Kenya(AGGM): Afar dhalinyaro Soomaali ah oo uu ku jiro diblomaasi ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya maxkamadina uga socoto magaalada Nairobi ee dalka Kenya loona haysto dambi ah inay isku dayaan inay weeraraan garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee Nairobi ku yaala iska dafiray eedaas oo ku tilmaamay waxba kama jiraan.
Dhalinyaradaan oo lakala yiraahdo Xasan Cabdi Max’ed Max’ed, Max’ed Cismaan Cali,Ilyaas Yuusuf Warsame oo safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ka tirsan iyo Garaad Xasan Feer Cali oo dacwad oogayaashu ku oogeen illaa iyo 12 kiis ayaa maxkamada ka hor sheegay in dacwadaha loo haysto been abuur yihiin.
Ilyaas Yuusuf Warsame ayaa maxkamada ka hor sheegay inuu yahay shaqsi diblomaasi Soomaaliyeed ah oo aysan waxba ka jirin dambiga lagu oogay halka Sadexda kalena ay ku doodeen inay yihiin Soomaali Kenyan xaq darro lagu xiray
Afarta dhaliyarada Soomaalidu waxay gudoonka maxkamada u sheegeen in laga abuurtay oo aysan jirin wax xiriir ah oo ay la leeyihiinb Xarakadda Al-Shabab ama ay abaabuleen weerar lagu qaado garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta.
Taliyaha booliska dalka Kenya David Kimaiyo ayaa maxkamada ka hor sheegay in dhalinyaradaan ay ku hayaan cadayn ah inay qorsheeyeen weerar lagu qaadi lahaa garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta bartimihii bishii naga dhamaaday ee January hase ahaatee laga hor tagay
Wargayska Daily Nation ee Nairobi kasoo baxa ayaa dhawaan qoray warka ah in dhalinyaradaan uu ka mid yahay diblomaasi Soomaaliyeed hase ahaatee uu hadda maxkamada kasoo dhex muuqday.
Gudoomiyaha maxkamada ayaa amray in dhalinyaradaan xabsiga lagu sii hayo illaa iyo 12 bishaan oo uu dhagaysiga dacwadooda dib u bilaabanayso.
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com