Muqdisho (AGGM): Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha & R/wasaaraha Soomaaliya inay aqbalaan in ciidamadii dowladda oo jooga in uu magaalada Muqdisho ciidamo la soo galo Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/weli Gaas, waxaana tillaabadaasi ku tilmaameen mid dhabaha u xaareysa in Madaxda kale ee maamulada dalka iyaga ay ciidamo gaar ah horay u soo kaxeystaan, taasina ay meesha ka saareyso macnaha dowlad-nimada.
“Madaxweynaha & R/wasaaraha waxey aheyd in ay C/weli Gaas ku yiraahdaan kama soo dagi kartid dayuuradaada adigoo ciidamo wata, dibna ay u celiyaan, ama in ay yiraahdaan dowladda ayaa ammaanka adiga & wafdigaaga damaanad qaadeysa ee soo dago adigoo aan ciidamo wadan, sida ay hadda wax u dhaceen waxey waddo u fureysaa in Madaxda Maamulada kale ee ka jira dalka ay ciidamo gaar ah soo wataan” ayuu yiri C/laahi Xassan.
Xildhibaankan & xilldhibaanno kale oo baarlamaanka ka tirsan oo arrintaa saxaafadda kala hadlay waxey sheegeen in Puntland oo ka mid ah Federaalka in ay la mid tahay gobolada kale ee Soomaalida.
“Siddee ku dhacday in Maamul Goboleed ciidan wata uu ka soo dago Xamar, ciidankaas oo aan hoos imaan dowladda waxey ceeb & waji gabax ku tahay hannaanka dowladdnimo” ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Xassan.
Isku soo wada duuboo Xildhibaan C/llaahi Xasan ayaa dhacdadan waxa uu ku tilmaamay oo kale inay ahayd fariin loo dirayay beesha Caalamka laguna muujinayay in Magaalada Muqdisho aysan ka jirin Dowlad iyo Ciidamo leeysku haleen karo Islamarkaana Madaxweynaha Iyo R/wasaaraha ay ku dhaceen dabinka loo maleegay.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com