Dhageyso: Danjire Maxamed Saalax Al Nadif “Waxaan Degaanka Hagar Ee Gobolka Jubbada Hoose Ku Dilnay Tiro Al Shabaab Ah”

0

Muqdisho (AGGM): War-Saxaafadeed laga soo saaray xafiiska wakiilka Gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidamada Dowlada oo kaashanaya kuwa AMISOM ay qaadeen howlgal ka dhan ah dagaalyahanada Al-shabaab,kaasi oo ka dhacay duleedka magaalada Hagar oo 50-km dhanka Waqooyiga ka xiga Degmada Afmadow ee Koonfurta Soomaaliya.

Inta howlgalka uu socday,ayaa Ciidamada wada jirka ah waxay dileen 7-ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab,sidoo kalena Al-shabaab kala wareegay saanad Malitari,sida warsaxaafadeed lagu sheegay.
Mahamed Saalax Anadif ayaa arintaan ku tilmaamay qeyb ka mid ah dadaalada cusub ee Al-shabaab la doonayo in loogha saaro goobaha ay ku xoogan yihiin.

“AMISOM waxay sii wadi doontaa dagaalka Cadowga iyo taafeerada shacabka Soomaaliyeed si ay qeyb kaga noqdaan dhismaha wadanka,ayuu yiri Anadif.

Hayeeshee, howlgalka ay horkacayeen sida warsaxaafadeedka lagu sheegay Ciidamada Dowlada ayaa natiijada ka soo baxday sidoo kale waxay noqotay in Ciidamada Gacanta ku dhigaan deegaanka Gandershe oo ku taalo inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Degmada Marka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com