Muqdisho(AGGM): C/risaaq Xaaji Xuseen Raisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa Goor dhaw lagu Aasay Qabuuraha Ceel-carfiid ee Duleedka Magaalada Muqdisho ee Degmada hiliwaa.
Aaska Marxuunka ayaa waxaa ka soo Qeyb galay Mus’uuliyiin ka tirsan DFS oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud,Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof.Jawaari, Raisul Wasaare C/wali Sh iyo Mas’uuliyiin ka socda Maamul Goboleedyada Dalka Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale Aaska ka qeyb Galay Qaar ka mid ah Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho,kuwaas oo Marxuunka ugu Duceeynayey in Alle U naxariisto islamarkaana uu Janada geeyo.
Meydka Raisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa laga soo dajiyey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho,waxaana Salaada Janaasada lagula Dukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka oo u dhaw Xaruunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Waxaana sidoo kale la adkeeyey Amaanka Magaalada Muqdisho,si aysan u dhicin Falal amaandaro oo ay geeystaan Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab Al-Qaa’ida.
Madaxweynaha Soomaaliya xasan Sh.Maxamuud oo Warbahinta kula hadlay Goobta lagu Aasay Raisul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa Umadda Soomaliyeed ka Codsaday in loo Duceeyo Marxuunka,la iskana Cafiyo.
Halkaan Hoose ka dhageeyso Codka Madaxweynaha
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com