Top News: Madaxweyne Xasan oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Serbia Ee Soomaaliya.

0

Muqdisho (AGGM): Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah xafiiskiisa Muqdisho kula kulmay safiirka dalka Serbia u qaabilsan Soomaaliya Ivan Zivkovic.

Madaxweynaha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sida dowladda Serbia ay door weyn uga qaadan lahayd dib u dhiska, horumarinta dhaqaalaha iyo maal-geshiga Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa horey ula kulmay dhiggiisa dalka Serbia, waxayna labo jeer oo kala duwan isku arkeen magaalooyinka New York iyo Addis Ababa.

Xasan-Sheekh-iyo-safiirka-Serbia-ee-Soomaaliya-300x199

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com