Uhuru Kenyatta “Ma Oggolaanayno In Dhallinyarada Nalaga Baro Xagjirnimo”.

0

Nairobi (AGGM): Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aysan u oggolaan doonin xarumaha lagu cibaadeysto in loo isticmaalo in dhallinyarada lagu baro asal-raacnimada xagga diinta ah.

Hadalka Madaxweynaha Kenya ayaa ka dambeeyay kaddib markii shalay oo Jimco ahayd masjidka Musa ee magaalada Mombasa ay dib uga soo cusboonaadeen isku dhacyo u dhaxeeya ciidamada booliska iyo qaar ka tirsan dadka ku cibaadeysta masjidka.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aysan u oggolaan doonin goobaha lagu cibaadeysto ee dalka Kenya oo ay ku jiraan macbadyada Hinduuga, masaajidda Muslimiinta iyo kaniisadaha Kirishtaanka in loo isticmaalo goobo asal-raacnimo oo halis lagu geliyo nolosha dadka Kenyaanka ah.

Iska hor imaadyo toddobaadkii hore booliska Kenya iyo koox dhallinyaro ah ku dhexmaray masjidka Musa ee Mombasa ayaa waxaa ku dhintay 2 qof, wuxuuna boolisku qabtay 100 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com