BaledXaawo (AGGM): Taliska saldhigga booliska degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in uu xilligan saldhiggu ka muuqdo
dayac xooggan.
Taliyaha amniga degmada Beled Xaawo Maxamed Wali Yuusuf Qorrax, oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in muddo ka badan 30 sano aanu dayactir helin saldhiggaasi.
Wuxuu sheegay inay burbursan yihiin xafiisyadii saldhigga ee bulshada loogu adeegayay.
Isku soo wada duuboo Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo jaaliyadaha Soomaalida ee dibadda ayuu ugu baaqay in ay gacan ka geystaan sidii loo dayactiri lahaa saldhigga degmada Beled-xaawo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com