Daawo: Cali Khaliif Galeyr “Hadii aan dhinto dad Xamar joogo ayaa loo haystaa Safaarada Mareykankana waan usheegay”.

0

Muqdisho (AGGM): Cali Khaliif Galeyr oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalena mar Soomaaliya kasoo noqday Ra’iisul Wasaare, ayaa si cad usheegay ka hadalka fekerkiisa inuusa cidna uga gambaneyn sida uu yiri.

Mr Galeyr, wuxuu sheegay in dadka ay ku idhaahdaan magaalada Muqdisho waa la iskudilaa, balse isaga wuxuu sheegay inuu yahay muwaadin Ameerikaan ah, hadii Muqdisho lagu dilana uu ka dar-daarmay cida ka dambeysa dilkiisa.

Safaadara Mareykanka ayuu sheegay inuu ku wargeliyay xitaa hadii Danab uu Muqdisho ku dilo in loo haysto dad uu sheegay inuu kala dar-daarmay safaarada Mareykanka oo hadhoow loo qabsan doono geeridiisa.

Hadalka Cali Khaliif Galeyr ayaa wuxuu macnihiisa yahay inay jiraan dad si gaar ah ugu sugan Magaalada Muqdisho oo dilal geysta marka laga soo tago Shabaabka fekerkooda uu cad yahay.

Waa markii ugu horeysay ee Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr uu sheego hadii uu xamar ku geeriyoodo in dad loo haysto dhimashadiisa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com