Top News: Gudoomiyaha 3-da Gole Ee Ahlu-Sunna Waljamaaca Sheekh Ibraahim Guureeye “Itoobiya wax bay ka badali kartaa Soomaaliya”.

0

Caabudwaaq (AGGM): Ahlu –Sunna Waljamaca ayaa sheegtay in Ciidamada Itoobiya ee ku biiray hawlgalka AMISOM ay kala qayb qaadan doonaan sida Ahlu sunna ay tilmaantay la dagaalanka falaagada Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Sadexda Gole Ahlu-Sunna Waljamaaca Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye ayaa isagoo ku sugan magaalada Caabudwaaq waxa uu Warfidiyeenka u sheegay in Ahlu-Sunna ahaan ay soo dhawaynayaan In Itoobiya ay ku biirto AMISOM, isla markaana ay la shaqayn doonaan.

Sheekh Ibraahim Guureye waxa uu sheegay in waxa badan ay iska bedeli doonaan hawlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, mar hadii Ciidamada Itoobiya ay ku biireen Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Isku soo wada duuboo Waxaa kaloo uu sheegay guddoomiyaha in ciidamada Itoobiyaanka ah ay sahlayaan in Alshabaab dagaal looga saaro deegaanada ay kaga harsan yihiin gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com