Bamako (AGGM): Kooxaha ka dagaalama waqooyiga wadanka Mali ayaa xaqiijiyey inay gacanta ku dhigeen gaari ay leedahay hay’adaha Bisha cas iyo saraakiishii la socotay.
Koox kamid ah ururada Al Qacida ee Mali ayaa shalay soo saartay war ay ku xaqiijinayaan afduubka saraakiishan oo ay ku tilmaameen cadowga Illaahay, waxayna intaasi raaciyeen in dhamaan xubnaha ay qabsadeen ay caafimaad qabaan.
Saraakiisha u shaqeeya hay’ada Bisha Cas ayaa la qafaashay maalinimadii Sabtidii xili ay ka baxeen magaalada Kidal kuna sii jeedeen magaalada Gao ee waqooyiga Mali. Tan iyo sabtidii ayaa la la’aa kooxdaasi ka socota bisha Cas.
Qoraalka kasoo baxay kooxda afduubka geysatay ayaan wax faah faahin ah lagu sheegin isla markaana laguma cadeyn in kooxdan codsaneyso madax furasho iyo inkale.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com