Kismaayo(AGGM) Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyahay u yahay Axmed Madoobe ayaa xalay gudaha Magaalada Kismaayo si bareer ah ugu dilay laba ruux oo shacab ah isla markaasna degaanka ka soo jeeda,waxaana la sheegayaa inay dilkaasi fuliyeen Maleeshiyaad daacad ah u ah Hogaamiye Beeleedka Jabhadda Raaskambooni.
Labadan ruux oo la dilay ayaa la sheegay inay ka soo jeedaan Beesha Sade,waxaana la sheegayaa in Maleeshiyaadka Raaskambooni ay bartilmaameed ka dhigteen dadka ka soo horjeeda siyaasada qalafsan ee ay ku maamulaayaan degaanada Jubooyinka,waxaana dilkani qayb ka yahay ugaarsi lagu beegsanayo dadka ka soo jeeda goboladda Jubooyinka.
Sidoo kale maalmihi la soo dhaafaya waxaa lagu dilay gudaha Magaalada Kismaayo dad shacab ah oo iyana ka soo jeeda degaanada Jubooyinka,waxaana Maleeshiyaadka Raaskambooni bilaabeen inay ka geystaan gudaha Magaalada Kismaayo dhac ,dil & boob hantiyeed.
Labada ruux ee xalay la dilay ayaa la sheegayaa inay ahayeen dad shacab ah balse aysan wax siyaasad ah ku sal lahayn,waxaana la sheegayaa in saaka labadaasi ruux lagu aasayo xabaalaha Magaalada Kismaayo halkaasi oo lagu duugayo maanta,dilkan ayaa ah mid ay aad uga caroodeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Kismaayo.
Ugu dambeyntii Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa wada dil iyo barakacin ay ku hayaan dadka ka soo jeeda Gobollada Jubooyinka,waxaana ay gacan ka helayaan ciidamada dawladda kiiniya oo lagu wado iyagu inay dhawaan intooda badan ka baxaan magaalada Kismaayo.
Warbaahinta Allgalgaduud
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com