Cadaado(AGGM): Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Xiban iyo Xeeb Xasan C/laahi ayaa sheegay in ay Gabo gabo mareyso Maamul u sameynta Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya.
Xasan Cabdulaahi ayaa sheegay in 15 Bishaan uu Shirkaasi ka Furmi doono Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ee fariisinka u ah Ximan iyo Xeeb.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Maamulka Ahlusunna Waljameeca,Ximan iyo Xeeb iyo Maamulka Galmudug ay hada Diyaariyeen Sidii Shirkaas loo qaban lahaa.
Halkaan Hoose ka dhageeyso Wasiirka Arimaha Gudaha Xiban iyo Xeeb
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com