Al-shabaab oo iskaga baxay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

0

Kooxda Al-shabaab ayaa Xalay Faarujiyey Degmada Xudur ee Gobolka Bakool,ka dib markii ay ka war heleen Dhaq dhaqaayo Ciidan oo ay wadaan Ciidamada DFS iyo kuwa Itoobiya ee Qeybta ka ah AMISOM.

Maleeshiyada ayaa la sheegay in ay Xalay Galinkii danbe ay ka baxeen Degmada islamarkaana ay Duleedka Degmada Xudur ay ka sameysteen Difaacyo.

Ciidamada DFS iyo kuwa Itoobiya ayaa Dhaq dhaqaayo Ciidan ka wada Degmada Ceel barte ee isla Gobolka Bakool, Ciidamadaasi oo la sheegay in ay Duulaan ku yihiin Degmada Xudur.

Goobjoogeyaal  ku sugan Degmada Xudur ayaa Allgalgaduud Media u sheegay  in Magaalada ay saan saan Colaadeed ay ka jirto islamarkaana ay cabsi Dareemayaan.

Dhanka kale  Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa waxaa  ka jira  Cabsi Xoogan oo ay qabaan Maleeshiyada Al-shabaab ee ka Gacanta ku haya Degmada Diinsoor,ka gadaal Markii ay maqleen  in Ciidamada Itoobiya ay Duulaan ku yihiin degmadaasi.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa Ciidamada Dowladda Itoobiya ay ka Bilaabeen Abaabul ay ku doonayaan in Maleeshiyada Al-shabaab ay ku qaadaan,ayadoona Xalay ilaa Saaka Ciidamo aad u badan Magaalada Baydhabo ay soo gaarayeen oo Itoobiyaan ah.