Dhageyso:Wasiirka Ganacsiga Soomaliya Oo kulan Laqaatay Ganacsatada Soomaaliyeed

0

Muqdisho(AGGM):Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya Aadan Saransoor  ayaa ka sheegay kulan uu la qaatay qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaalida qorshayaashiisa ku aadanhorumarinta ganacsiga.

Aadan Saransoor waxa uu sheegay in uu la shaqeyn doono ganacsatada si buu yiri loo horumariyo ganacsiga Soomaaliya, isaga oo wada shaqeyn ka codsaday dowladda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah ganacsatada oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya Cabdikariin Gabeyre ayaa sheegay in ganacsatada ay sameeyeen horumaro badan mudadii ay shaqeynayeen.

In badan oo ka mid ah ganacsiga Soomaaliya oo ay maamuli jirtay dowladda soomaaliya ayaa waxii ka dambeeyay burburkii dowladda isku badalay ganacsiga mid gaar loo leeyahay.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com