Adis Ababa(AGGM):Wasiirrada Gaadiidka dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa maanta ku wada gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia heshiis quseeya xagga duulimaadka.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel oo lahadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dhigiisa dalka Ethiopia uu la gaaray heshiis ku saabsan in tababar la siiyo shaqaalaha iyo in ay gacan ka geysato horumarinta gaadiidka
“Waxa aan ku heshiinay inay tababar noo siiyaan shaqaalaha iyo inay Soomaaliya ka taageeraan sidii shaqaalaheena loogu tababari lahaa xagga duulista iyo in aan isdhaafsano qibraha xagga civil Aviation-ka” ayuu yiri Wasiirka Duulista
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel ayaa xusay in diyaarada Ethiopian Airlines ay adeegyo duulimaad ka bilaabi doonto Muqdisho, islamarkaana ay Wasaaraddu xoogga saari dodonto sidii dib loo howlgelin lahaa diyaaraddii Somali airlines oo iyana howlo duulimaad ka bilaabo doonto dalalka bariga Afrika oo ay Ethiopia ka midtahay.
Shalay sidaan oo kale waxaa heshiis kala saxiixday Wasiirada Warfaafinta Soomaaliya iyo Ethiopia, sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya iyo dhigiisa Ethiopia.
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com