Maqaal: Ex Raysulwasare Cali Maxamed Geedi Shalay Iyo Maantay, Maxaa Is Bedelay? W/Q. Dr Dahir Nur Jama ( Dr Truman)

0

Ex Primeminister Cali Maxamed Geed,isla markaana ahaa nin aad iyo aad uga soo horjeeday Madaxweynaha Soomaaliya Jaalle Xasan Sheikh Maxamuud,isla markaana ahaa nin geed dheer iyo geed gaabanba u fulay inuu mucaarado Hoggaanka dowladda hadda soomaaliya ka jirta. Laakiin waxaa dad badan u arkaan iney tahay wax layaab leh markii maantay oo taariikhdu tahay 16/02/2014.Jaalle Geedi isu diyaariyey inuu soo dhaweeyo madaxweynihii uu ku ahaa mucaaradka weyn waa Jaalle Xasan Sheikh Mxamuud oo beryahaan sida la sheegey ama asaguba sheegey maantay markii uu ka soo degey Garoonka diyaaradaha ee Aadan-Cadde inuu booqasho aan aheyn Official uu ku joogey waddanka Turkiga. Su’aalo badan baa dadweynuhu is weydiinayaan is bedelka ku dhacay mucaaradnimadii weyneyd ee Jaalle Geedi!.

Siyaasiga haddii uu yahay mucaarad ama muxaafid ama dhexdhexaad ma ahan wax lala yaabo inuu is bedelo oo mowqifkii shalay joogey iska bedelo,mid kalena la yimaado,laakiin sida soomaalidu u fahantay siyaasadda sidaa ma han,waayo siyaasigu waa inuu leeyahay” Mab’da” ama Mabaa’dii aasaasi u ah fekerkiisa siyasadeed,haddii kale wuxuu noqonayaa qof maalinba meel u duula, ama in qof kasta oo awooda inuu wax ku shubto” Awooddana” siyaabo badan baa loo isticmaalaa mid dhaqaale, mid xil la iskugu ballan qaado ama kooxeysi siyasadeed kuna dhisan mustaqbalka iyo waqtiga la joogaba. Isbedelka siyaasdeed ee ku yimid Jaalle Geedi maxaa lagu micneyn karaa,ma wax iska yimid baa, mase waa mid ka timid waxyaabo uu Geedi hadda soo bartey awalna uu si kale u arkayey muddadii uu mucaaradka ku ahaa Madaxweynaha hadda talada dalka soomaaliya ku magacaaban waa Jaalle Xasan Sheikh Maxamuud.

Sida aan la wada socono dad badan oo siyaasiin weliba lagu daray aqoon yahan ma lahan “Mabaa’di siyaasadeed” qaabkey doontaba ha noqotee,waayo waxaad arkeysaa iyagoo maalinba meel taagan,islamarkaana wata Durbaan hadba qaabkii la doono loo tumi karo,waxaana taas ugu wacan arrimo badan sida durbaanka qabyaaladda siyaasadeysan, durbaanka damaca siyaasadeed,durbaanka wax jeebka la geliyo iyo iyagoo aan laheyn biseyl siyaasadeed waayo waxaad arkeysaa qof iska soo boodaya asagoo aan la garaneyn meel uu ka yimid waayo soomaaliya inuu qofku noqdo siyaasi waa wax sahlan,taasna waxaay keentey in sanad walba ay soo baxaan siyaasiin badan isla markaana aan wax siyaasad ah shaqo ku laheyn.

Qofkuna seddex arrimood buu siyaasi ku noqdaa mid waxaa waaye qof siyaasadda soo bartey kana soo baxay Jaamacadda siyaasadeed” Political Science” waayo siyaasaddu waa cilmi bulshadeed la barto, arrinta kale qofku siyaasi ku noqon karo waa qof ah political activist, midda ugu dambeysana waa qof xil loo magacaabay ku noqdo siyaasi sida ninka xildhimaanka ah maantay waa siyaasi, wasiirka ama wasiir ku xigeenadu waa siyaasiin kuwa hadda jooga ama kuwo horey u soo maray xilal loo magacaabay,middaan ugu dambeysa waa waxyaabaha mugdiga geliyey in soomaaliya xal loo helo waayo siyasaddii waxaay gacanta u gashey dad aan u diyaarsaneyn, tusaale yar siyaasiga + aqoonyahanka ah ee qaba cudurka qabyaaladda ma ahan in xil soomaali weyn lagu magacaabo,waayo maba mudna darajadaas.

Haddaba waxyaabaha bedelay ExPM Jaalle Geedi,waxaa lagu micneyn karaa casharo siyaasadeed,isla markaana uu ka soo bartey maamulka uu hoggaamiyaha u yahay Jaalle Gaas kana taliya Gobolada Bari ee Soomaaliya waayo Jaalle Geedi wuxuu in muddo ah ku sugnaa Magaalooyinka Garoowe, Boosaaso, Carmo,wuxuuna kulamo iyo afkaar is dhaafsiba la lahaa masuuliyiinta ka arrimaya degaanadaas,sidaa awgeed waxaa lagu tilmaami karaa isbedelka ku yimid inuu Jaalle Geedi dib u liqo mucaaradnimadii uu kaga soo horjeedey Jaalle Xasan Sheikh Maxamuud iney ka timid casharo uu halkaas ka soo qaatey waayo soomaalidu waxaay tiraahdaa ” Ishaa-macalin ah”taas baa waxaay muujineysaa markii la arkey maantay Geedi oo soo dhaweynaya, isla markaana aad u faraxsan inuu soo dhaweeyo ninkii uu sida weyn uga soo horjeedey waa Madaxweyne Jaalle Xasan Sheikh Maxamuud, laakiin tan micnaheedu wax kale ma ahane waxaa waaye Jaalle Geedi wuxuu soo arkey qabyaalad qayaxan ama aan barax ku jirin, asna tii mid la mid ah buu qaatay,laakiin waxba ma soo kordhineyso waxaa waaye ” Jug Jugeey halkaaga joog”waayo waa qabyaaladdii siyaasadeysneyd.

Hadda ka hor baa waxaa dhacay markii ExPM Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xukunka raysal waasarenimo iskaga degayey iney dad badan oo shacabka reer muqdishu ah ay u muujiyeen kalsooni ay u hayeen Jaalle Farmaajo, dadkii taageersanaa Farmaajo inuu shaqadii iyo masuuliyaddii uu u hayey shacabka soomaaliyeed sii wato,waxaay sameeyeen bannaan baxyo waaweyn gaar ahaan Reer Muqdishu, marka gabar ka mid aheyd qaban qaabiyaashii bannaan baxyadii lagu taageerayey Farmaajo ayaa waxaa wareysi la yeeshey mid ka mid ahTV-yada ku hadla afka soomaaliga marka laba su’aalood oo ugu muhiimsanaa bay waxaay kale ahaayeen,lacagta lagu abaabulay bannaan baxa xaggee ka hesheen iyo sababta aad hadda uga laabatay taageeranimadii Farmaajo,waxaayna ku jawaabtay lacagta annagaa iska aruuriney cid kale nama meel gelin, ka noqoshada taageeriddii Farmaajo waxaay aheyd su’aal aad ugu adkeyd iney ka jawaabto laakiin waxaay ku soo gaabisey in si kale wax loogu sheegey taasna ay ku keentey in wax iska bedelaan moqqifkeedii hore waayo waxaa timid yaad taageereysaa,yaadse ka soo horjeedaa. isku soo wada duub qabyaaladda siyaasadeysan waa midda fool xumada iyo hallaagga ku keentey shacab weynaha soomaaliyeed,maantay intii ka hortey ay la dalaadhacayaan darxumo awgeed, soomaaliguna weli ma fahmin meesha ay dantoodu ku jirto, cidda dooneysa iney ka daneysato iyo cidda u shaqeyneysa waxa ay tahay dantoodu isla markaana doonaya inuusan ka daneysan shacabkiisa xilka loogu dhiibey. Madaxweyne Jaalle Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu in muddo ah ku maqnaa waddanka Turkiga,wuxuuna sheegey inuusan ku tagin booqasho Official ah ama rismi ah, laakiin uu ku tagey Booqasho gaar ah, isla markaana hadda ka horna afhayeenka madaxweynaha ENG Yarisoow wuxuu sheegey inuu madaxweynuhu Turkiga u aaday Baaris caafimaad, sidaa awgeed warbixinada kala duwan haddana is qilaafsan ee ka imaanayey madaxweynaha iyo inta ku xeeranba waxaay keentey in la yiraahdo Madaxeynihii waa ” Dhintey”! taasna waxaay daliil cad u tahay iney jirto baseel la’aan siyaasadeed iyo xagga maamulka dowladnimo, iyo daneysi gaar ahaneed, su’aasha la is weydiinayo waxaay tahay meeqa qarash lacageed baa ku baxay muddii uu madaxweynuhu joogey waddanka Turkiga? malaha arrintaan ka turjumeysa masuuliyad darrada uu Jaalle Xasan Sheikh Sameynayo iyo qasharaadka lagu bixinayo meel aan munaasib ku aheyn waxaay aad u soo jiidatey Jaalle Geedi oo asaga horey loogu eedeeyey inuu lacago badan oo aad u ah masuuliyad darro inuu ku qarash gareeyey “Aroos wiil” uu dhalay Jaalle Geedi laguna qabtay Hotelada Nairobi kuwa ugu qaalisan, taas miyaa Jaalle ku Dhiiri Gelisey isku soo dhawaanshaha Xasan iyo Geedi!

dingar2
W/Q. Dr Dahir Nur Jama ( Dr Truman)
nuur_712345@outlook.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com