Kismaayo(AGGM) Horjoogayaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ee laga soo waariday Xeryaha Qaxootiga ee Gaarisa Gubaay & Kilinka 5-aad ee Itoobiya ayaa ka hadlay Aaskii AUN Ciise Kaambooni oo habeen hore uu dilay wiil ilaalo uu ahaa oo uu adeer uu ahaa,waxaana horjoogayaasha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni shaaciyeen inay ugu aari doonaan dumar iyo caruur ay dhaleen argagixisada ay gacan saarka lahaan jireey ee Shabaab.
Mid ka mid ah Hoojogayaasha Maleeshiyaadka Asalkoodu ka soo jeedo Kilinka 5-aad oo lagu magacaabo Macalin Maxamed isla markaasna ku magacaaban Wacyi galiyaha Caruurta Iyo Haweenka Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa digniin culus u direy inay dili doonaan dumarka iyo caruurta ay dhaleen cid kasta oo ka tirsan kooxda kale ee Argagixisada ah ee Alshabaab.
Maahan dhaqan hadda cusub in Horjoogayaaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni ay dilaan dumar iyo caruur,waxaana ay tababarkaas ku soo qaateen Kilinka 5-aad markii ay ka tirsanaan jireen Jabhadda ONLF,waxaana marag ma doonto ah inay dileen kumaanaan caruur iyo haween ah oo ka soo jeeda kilinka 5-aad kuwaasi oo ay ku tuhmayeen inay la shaqeynayaan dawlad degaanka soomaalida itoobiya.
Macalin Maxamed waa ninka ugu daran ee Magaalada Kismaayo ka wada dhibaatada iyo barakacinta shacabka soomaaliyeed,waxaana uu inta badan amraa in la dilo ama la barakiciyo cid kasta oo isku dayda inay ka hor timaado Mawqifka xagjirka ah ee Maleeshiyaadka Raaskambooni.
Ugu dambeyntii Macalin Maxamed waxaa uu ku baaqay in la dilo cid kasta oo lagu tuhmo Alshabab iyo dumarka iyo caruurta ay Alshabaab dagaaladii kismaayo looga saaray uga tageen Magaalada Kismaayo,waxaana uu sheegay inay xasuuq baahsan u geysan doonaan dadkaasi iyagoo xasuuqaasi bilaabayh xalay.
Halkan ka daawo
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com