Dhageyso: Nabadoon Ciise Macalin Gaas ” Maleeshiyada Raaskambooni Iyo UBO Dhiiga Shacabka Ayay Baneesteen”.

0

Kismaayo (AGGM): Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa waxa ay wacad ku mareen kadib Dilkii Ciise Kaambooni oo ahaa taliyihii Nabada sugidda maleeshiyada Raaskambooni inay Tilaabo ka qaadayaan shaqsi waliba oo al-shabaab lagu tuhmo ayaa arintaas waxaa ka hadlay Nabadoon Ciise Macalin Gaas oo ka mid ah waxgaradka Jubbooyinka .

Nabadoon Ciise Macalin Wuxuu sheegay In go’aankan kasoo baxay Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni inuu yahay mid ay ku baneysanayaan dhiiga Birimageydada ku dhaqan magaalada Kismaayo sida Caruurta iyo waliba haweenka.

Nabadoon Ciise Macalin Gaas ayaa sheegay in tan iyo Markii maleeshiyo beeleedka Raaskambooni laga dilay Ciise Kaambooni in ay magaalada Kismaayo ku dileen in ka badan 15 qof oo dad shacab ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com