Muqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Allaha u naxariistee Agaasimihii Xafiiska Ra’iisulWasaaraha Allaha U Naxariistee Maxamuud Xirsi Cabdulle Indhacase uu Geeriyooday kadib dhaawac kasoo gaaray weerar iyo qaraxyo ka dhacay gudaha Madaxtooyada.
Warkan ayaa sidoo kale waxa uu sheeyaa in qaraxan uu isna ku geeriyooday allaha u naxariistee Yantaar Faarax Dheel oo kamid ah ciidamada amaanka.
Waxaa sidoo kale la sheegayaa in Wasiiro iyo Xildhibaano ay ku dhaawacmeen weerarkan qaar kalena ku geeriyoodeen waloow aysan jirin warar faah faahsan ama xaqiijinaya warkaas.
Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa ay Dhamaan inti ku geeriyootay weerarkan waxuushnimada ah eheladooda u direysaa dhambaal tacsiyeed, Waxaa kale oo aan Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu dadka geeriyooday Janatul Fardowza ka wraabiyo, dadka ku dhaawacmayna waxaan Allaah Subaxaanahu Waacaalaa uga baryaynaa inuu siiyo caafimaad sariico ah. Aamiin Aamiin Aamiin
Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud media
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com