Warbixin kasoo baxday taliska sare ee sirdoonka wadanka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay inay jirto cabsi ah in Al-Shabab ay isku diyaarinayaan weerar ay ku qaadaan garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta oo magaalada Nairobi ku yaala.
Warbixintaan oo ay daabacday wakaaladda wararka AFP ayaa waxaa lagu sheegay in xog la helay ay sheegayso in xubno ka tirsan Xarakadda Al-Shabab oo u dhashay dalka Kenya ay hadda heer gabo gabo ah marsiinayaan weerar lagu qaado garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta.
Weerarkaasi Al-Shabab waxaa ay u qorsheeyeen inay dhawr waji u adeegsadaan waa tan koowaade in lagu bilaabo gantaalo lagu garaaco garoonka iyo weeraro la mid ah kii Westgate lagu qaaday bishii September ee sanadkii hore.
Hay’adaha amaanka dalkaasi ayaa waxaa la faray inay deg deg uga howlgalaan ka hor tagista weerarkaasi Shabab la maaganyahay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta oo la aaminsanyahay inuu garoonka ugu weyn uguna dhaq dhaqaaqa badan geeska Africa.
Afhayeenka Madaxtooyadda Manoah Esipisu oo asna hadlay ayaa sheegay in la diyaariyay ciidamo dheeraad ah oo loogu talo galay inay weeraradaasi ka hor tagaan magaaladana ka wada baaritaan dheeraad ah oo lagu baadi goobayo shaqsiyaadka la tuhunsanyahay.
Taliska sirdoonka Kenya ma aysan shaacin magacyada shaqsiyaadka la hadda la tuhunsanyahay hase ahaatee waa markii labaad oo laga digo in Al-Shabab weeraraan garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta.