Muqdisho(AGGM): Gudoomiyaha Gudiga Talada Maamulka ahlusuna Waljameeca ee Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya Sh.Cumar Sh.C/qaadir oo la hadlay Warbaahinta,asagoo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Khilaafka u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna.
Sh.Cumar ayaa sheegay in Khilaafka Dowladda iyo Ahlusunna uu Salka ku hayo,Balan kabax Dowladda Soomaaliya ay ku sameesay Maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe.
Gudoomiyaha Gudiga Talada ayaa sheegay in Dowladda FS iyo Ahlusunna ay ku Heshiiyeen Qodob ay ka mid yihiin Iskaashiga Labada Dhinac,la dagaalanka Al-shabaab, iyo Balan qaadyo lacageed oo intaba dowladda Soomaaliya ay oga baxday Ahlusunna.
Halkaan Hoose ka dhageeyso Codka Gudomiyaha ahlusuna
Isha Ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com