Muqdisho (AGGM): Ganacsade C/laahi Shimbir oo ka mid ahaa Ganacsatada magaalada Kismaayo isla markaana dhawaanahan ku sugnaa magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu si toos ah ugu biray Kooxda argagixisadaa ee Al-shabaab kadib markii ay wada galeen qorshe Hoose oo la xariira gobolada Jubbooyinka isaga oo si dhuumashaa uga soo anbabaxay magaalada Nairobi oo ganacsigiisu yaalo.
C/laahi Shimbir oo gobolka Gedo si dhuumasha ku soo galay waxaa uu u sii gudbay magaalada Jilib oo ay soo gaarsiiyeen rag ay dhalasho wadaag yihiin oo Alshabaab ka tirsan kuwaas oo ay madaxda Alshabaab ee Jubbooyinku u xilsaareen soo jid marintiisa, waxaana ka mid ah raga soo jid mariyay Cabdi Sayid iyo Gacmeey Fadhiid oo labadaba ay isku jifo yihiin C/laahi Shimbir, isla markaana kamid ah Raga u qabiilsan Alshabaab dhibataynta shacabka gobolka Gedo.
Maalinimadii shalay waxa magaalada Jilibee gobolka Jubbada Dhexe ka dhacay kulan uu C/laahi Shimbir la qaatay Horjoogayaasha Al-shabaab iyaga oo ka wada hadlayay arimo la xariira howlaha Alshabaab ee gobolada Jubbooyinka iyo sidii loo heli lahaa Wiilal kale oo ka tirsan Beesha Sade in uu C/laahi ka keeno gobolka Gedo isla markaana uu ka mid noqdo siyaasiyiinta haga siyaasada Alshabaab ee Dibada.
Kulankii labaad ayaa waxa uu xalay ka dhacay magalada Kabsuuma ee Jubada Hoose isaga oo c/laahi Shimbir kulankaasi la yeeshay Rag ka mid ah kuwa Alshabaab oo ay gacan saar hoose in mudaa wada lahayeen, iyaga oo kala qaatay heshiis iyo go’aamo badan oo ay kamid yihiin in laga hortago lalana dagalamo Ciidamada Itoobiya ee ku soo wajahan Jubbooyinka si ay Kooxdaasi uga sifeeyaan.
Maalamaha nagu soo Fooleh waxa uu ku wajahanyahay gobolka Gedo oo uu ka bilaabi doono qorshihiisa la xariira heshiiskan iyo isaga oo balan qaaday keenida dhaqaalo xogan oo la xariira cawinta Ragan.
C/laahi waxa uu kamid ahaa ragii xiliga Al-shabaab ka ganacsan jiray magaalada Kismaayo isla markaana xili danbe u wareegay magaalada Nairobi waxana uu horay uga mid ahaa jiray Ururkii Tirtirmay ee Al-itaxaad.
Filo Dhawaan: Waxaan idiin soo gudbin doonaa talaabo walba oo uu qaado C/laahi Shimbir iyo halka uu tago iyo dhamaan ragga wax ka og hoowshan uu ka wado Jubbada Hoose Iyo Gedo magacyadooda inta Karaankeena ah (Hadduu Alle Idmo).
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com