Muqdisho(AGGM): Xasan Max’ed Muungaab ayaa sheegay in uu dajiyey Qorshe Ciidamada Amaanka ee ka howlgala Gobolka Banaadir iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ku wada shaqeyn karan.
Muungaab ayaa intaa ku daray Ciidamada iyo Shacabka,hadii ay iskaashadaan laga hortagi karo waxbadan oo amaanka Caqabad ku ah,sida uu sheegay Muungaab.
Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Gen.Muungaab ayaa sheegay in sidoo kale uu Xariir dhaw la yeelan doona Qeybaha kala duwan ee Culumada Soomaaliyeed,si loosoo celiyo Xeriirkii Dowladda Soomaaliya iyo Culumadda Soomaaliyeed.
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com