Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Somalia oo la kulmay danjiraha Switzerland ee Soomaaliya “SAWIRRO”

0

Mogadishu, March 05,2014- Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mahad Mohamed Saladayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Wafdi uu hogaaminayo Danjiraha Switzerland u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Dominik Langenbacher oo ay ka wada hadleen Xoojinta Xiriirka labada dal , taageerida hey’adda dowladda Federaalka iyo caawinta maamulada gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mahad Mohamed Salad oo kulanka ka hadlay ayaa kaga mahad celiyay dowladda Switzerland talooyinka wax ku oolka ah iyo taageerada ay u fidineyso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda H.E. Hussein Abdi Halane ayaa  ku qaabilay xafiiskiisa Ambassador Dominik Langenbacher, iyadoo kulankaasi uu ku dhamaaday jawi is faham leh , waxaana la qorsheynayaa in Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka H.E. Abdullahi Godah Barre iyo Wasiirka Amniga qaranka H.E. Abdikarim Hussein Guled inay xafiisyadooda si gaar gaar ah ay ugu qaabilsaan Danjirahaasi dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya .

DSC04275 DSC04276 DSC04277 DSC04279 DSC04280 DSC04281 DSC04284 DSC04285

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations