Dhageyso:Madax ka socota Caalmaka oo la kulmay Madaxda Dalka

0

Muqdisho(AGGM): Wafdi ka Socda QM,Midowga Yurub,Midoga Afrika iyo Safiirada Dalalka Caalamka Qaarkood ka Jooga Soomaaliaya ayaa maanta la kulmay Madaxda Dalka,sida Madaxweynaha,Gudoomiyaha Baarlamaank iyo R/wasaaraha Soomaliya,

Kulanka oo intiisa badan ay saxaafada Banaanka ka joogtay ayaa waxaa markii Danbe Xubnahaan ka socda Beesha Caalamka waxaa ay si weyn u Taageereen Go,aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa Shirarka ka socda magaalada baydhabo.

Waxaana sidoo kale Wadfiga ay sheegeen in Dowladda Soomaaliya ay kala shaqeyndoonana Dhameystirka heshiiskii lagu Gaaray magaalada Adis ababa ee Dowladda iyo Maamulka KMG ah ee Jubba.

Wafdiga ayaa sidoo kale Dowladda Soomaaliya sheegay in  ay ka Taageerayaan sidoo loo qaban lahaa Doorashada 2016 Dalka ka dhici doonta iyo sidii amaanka looga shaqeynlahaa.

Wasiirka Arimaha Gudaha Xukumada Soomaaliya C/laahi Goodax Bare Kulankii kadib warbaahinta la hadlay,asgoona shegay in kulankii maanta uu Is Afgarad ku dhamaaday.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Wasiirka Arimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail,com