Munaasbad si weyn loo soo agaasimay ay waxa soo qabanqaabiyaya ururka haweenka gobolka Shabeelada Dhexe
Xafladan ayaa waxaa ka soo qaybgalay ku-simaha guddoomiyaha gobolka Shabeelada Dhexe Yuusuf Cabdi Cabdulle, guddoomiyaha degmada Jowhar Maxamedamiin Cismaan Xaaji Cabdulle Caqiil, taliyaha guutada 1aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Dhexe Ibraahin Yuusuf, guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Shabeelada Dhexe Marwo Sacdiyo Maxamed Nuur iyo dadweyne faro badan.
Guddoomiyaha ururka haweenka ee gobolka Marwo Sacdiyo Maxamed Nuur Aya ka sheekeysay maalintaan qiimaha ay ugu fadhido haweenka soomaaliyeed aydoona hamballayo u dirtay dhamaan hawwenka soomaliyeed mel waliba ay dunida ka jogaan gaar ahaan kuwa ku sugan gudaha dalka soomaaliya oo u so adkeystay dhibatooyinka waxii ka danbeyaya 23 sano ilaa iyo manta oo ayna u yareen dhib .
guddoomiyaha degmada Jowhar Maxamedamiin Cismaan Xaaji iyo Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Yuusuf Cabdi Cabdulle iyagoo si wadajir ah ugu hambalyeeyay haweeynka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, gaar ahaan kuwa gobolka Shaleeda dhexe ku dhaqan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media allgalgaduud@gmail.com