Xudur(AGGM): Xaalada Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa Saakay dagan ka dib markii Ciidamada Itoobiya ee AMISOM Qeybta ka ah iyo Kuwada Dowladda Soomaaliya ay la Wareegeen Shalay Galinkii danbe.
Wararka Saaka laga Helayo Degmada Xudur ayaa sheegaya in Xaaladu ay degan tahay,ayadoona Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Baaritaano dad lagu Qab qabtay ay ka sameyeen Degmada.
Waxaa wararku ay sheegayaan in Dadkii hore Degmada oga barakacay ay dib ugu soolaabteen magaalad ka gadaal markii Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay Gacanta u gashay.
Gudoomiyaha Gobolka Bakool Max’ed cabdi Tool oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku wajahan yihiin Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Shalay Gabal gaabkiil la wareegay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ,waxaana Degmada Xudur Al-shabab u aheyd Mid Muhiim ah.
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com