Shalaanbood(AGGM):Dagaal u dhaxeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Kooxda Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose.
Waxaa uu dagaalka ka dhacay Deegaanka Shalaanbood ee Gobolka Shabellaha Hoose ,halkaa oo ay Fariisomo kula haayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Gudoomiye kuxigeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose Cumar Max’ed Cilmi(Cumar Carabeey)ayaa sheegay in Maleeshiyada Al-shabaab ay soo weerareen Fariisimaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee Shalaanbood.
Cumar Carabeey ayaa sheegay in uu san jirin wax Khasaaro ah oo Ciidamada Dowldda iyo AMISOM soo gaaray.
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com