Wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Nicklos Key oo qadka internetka uga qeyb galay fadhi xubnaha golaha amaanka ee Q,M ku yeesheen magaalada New York ayaa caalamka weydiistay inay dawlada Soomaaliya ku gacan siiyaan dadaalka ay ugu jirto sugida amaanka magaalada Muqdisho oo dalka caasimad u ah.
Danjire Nicklos Key waxaa uu sheegay in dawlada Soomaaliya ay xilligaan wado dadaal ay ku doonayso inay xoojiso sugida amaanka magaalada Muqdisho oo waayahaanba ay ka dhacayeen falal amaanka liddi ku ah
Wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in sanadkaan 2014 oo ah sanad Soomaaliya is badal u leh haddana dhanka kale waxaa uu xusay in la joogo xilligii dawlada Soomaaliya lagu gacan siin lahaa sugid amaanka caasimada.
“Dadaalkaan waxaa uu abuuri doonaa in dalka oo dhan la gaarsiiyo doorasho xor ah iyo meel marinta dastuurka” ayuu yiri Nicklos Key.
Key waxaa uu tilmaamay in weeraradii ay ku jireen kuwo ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday gaadiid ay Q,M leeyihiin iyo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ay muujinayaan in amaanka caasimada uu qal qal galo.
Magaalada Muqdisho oo ay hadda dawladfa Soomaaliya maamusho waxaa xilliyadda qaar ka dhaca falal amaan darro kuwaasoo badankood lagu eedeeyo Xarakadda Al-Shabab.
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com