Garoowe (AGGM):Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Saadiq Eenow iyo Madaxda kale ee Wasaradda ayaa ku guulaystay natiijo rasmi ah ay ka agaraan Kiis ay muddo baarayeen oo ku saabsan Ajnabi sheegtay inuu yahay Dhakhar,kaasi oo muddo ka shaqaynayay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.
Sidee ayay arrintan ku bilaabatay.
Stephen Wang’Ombe Nduga waa nin u dhashay dalka Kenya,wuxuu xarun loogu magac daray Nairobi Medical Center ee Garowe uu ka furtay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland,waxaana uu Bukaan ku yimaada ku baari jiray Mashiin lagu magacaabo Quantum Resonic Magnetic Analayzer,kaasi oo aysan jirin meel laga isticmaalo adduunyada.
Muddo ayuu Dhakhtar sidaas ku ahaa,oo Bulshada uga dhex shaqaysanayay,wuxuu Cuduro aan jirin uu ku sheego dadkii u tagay,Kiniin iyo Sharoobo uusan aqoon u lahayna uu dadka u xaabiyo,waa la isaga daba yimi.
Sidee,la isga daba yimi?.
Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa cabasho xoogan ay uga timi Bulshada reer Puntland,taasi oo liddi ku ahayd Dhakhtarka been abuurka ah iyo xaruntiisa.
24/2/2014 ayaa Mas’uuliyiin ka socday Wasaarada Caafimaadka ay booqasho ku tageen xarunta Nairobi Medical Center ee Garowe.
Booqashada ay Mas’uuliyiinta Wasaarada Caafimaadka ay ku tageen xarunta ayaa waxa uga soo baxay laba qodob oo kala ah;-
1- Stephen Wang’Ombe Nduga wuxuu isticmaalayay Mashiin yar oo la dhaho Quantum Resonic Magnetic Analayzer,kaasi oo sheegay inuu yahay Mashiin lagu ogaanayo dhamaan Cudurada qofku uu qabo,isaga oo aan wax kale oo baaritaan ah la marin.
2- In xarunta aysan oolayn wax kale oo Agab Caafimaad ah sida;Mashiinka dhiiga Cabirka,Miisaanka,Sameecaha Bukaan dhagaysiga,Sariirta Bukaan Eegista iyo wixii la mid ah.
Ka dib Wasaarada ayaa baaritaan ku samaysay Mshiinka uu ku shaqaynayay Mr. Stephen iyo Shahaadooyinka Caafimaad ee uu watay,waxaana Wasaaradu ay go’aan ku gaartay waqtigaas in la hakiyo hawsha uu Stephen hayay,inta natiijo ay kaso baxayso baaritaanka.
Baaritaan ayaa bilowday.
Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa Shahaadada Waxbaarsho ee uu haystay Stephen u dirtay Jaamacada Nairobi,si Jaamacadu ay usoo cadayso sheegashadiisa ku aadan inuu ka mid ahaa Ardaydii ka qalinjabisay.
Jaamacada ayaa waxaa gaaray Documentiyada loo diray,waxaana ay Wasaarada u sheegeen inay jawaab soo siin doonaan.
Jawaabta Jaamacadda.
10/3/2014 ayaa Jaamacadu ay uso dirtay Wasaarada Caafimaadka Puntland Warqad cadaynaysa in Mr. Stephen uusan waligiis dhigan Kulliyadda Caafimadka ee Jaamacada Nairobi.
Waxaa xattaa suura gal ah inuusan xattaa waligiis tagin goob Waxbarasho,sidaasuna muddo kaga shaqaysanayay Garowe.
Mshiinka uu isticmaalayay ayaa Wasaaradda Caafimaadka ay u bandhigtay Khuburo Caafimaad,waxaana khubutrada sheegeen in Mashiinka uu isticmaalayay uu yahay Mashiin aan adduunyada laga ogolaan in Caafimaad loo istcimaalo.
Mustaqbalka Stephen!!!.
Stephen ayaa laso taagi doona Maxkamad,si loogu qaado dambiga uu ka galay umada reer Puntland.
Puntland ayaa waxa ka shaqeeya dad aqoon durugsan leh,waana adag tahay sida maalmo badan uu qofku u sheegto wuxuusan ahayn.
Wasarada Caafimaadka Puntland iyo Shaqaalaheeda ayaa qabtay hawl muhiim u ah Bulshada,waxaana ay digniin iyo fariin u tahay cid kasta oo isku dayda in aqoon aysan lahayn ay isticmaasho.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com