Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa lacag ay wafdigiisa ugu
talagaleen dhameystirka howlo dayactir iyo dhisme isugu jira oo ka socda
dhismaha safaaradda Soomaaliya ee magaalada Kampala gudoonsiiyey Qunsulka
Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Uganda.
Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee
Baarlamaanka iyo wafdigiisa oo ah gudoomiyeyaasha guddiyada joogtada ah ee
Golaha Shacabka ay kormeereen dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Kampala
halkaasi oo Gudoomiyaha iyo wafdigiisa warbixinno ku aadan xaaladda
safaaradda kaga dhageysteen mas’uuliyiinta Safaaradda.
Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliya Prof Maxamed Cumar Dalxa oo ka hadlay xarunta Safaaradda ayaa
xusay in talaabadan ay ka dambeysay kadib markii Gudoomiye ku xigeenka
Koobaad ee Baarlamaanka uu usoo jeediyey wafdigiisa in tabarucaad
dhaqaalle oo jeebkooda ah ay XIldhibaannadu u sameeyaan howsha safaaradda
sidii ay usocon laheyd waxaana uu dhanka kale ballan qaaday in
cabashooyinka safaaradda uu u gudbin doono gudiga si loogula xisaabtamo
wasaaradda arrimaha Dibadda.
Mudane Jeeylaani Nuur Iikar Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya oo isaguna goobta hadal kooban ka jeediyey ayaa ugu
horeyn xusay inuu aad ugu faraxsanyahay sida ay howlwadeennada iyo
mas’uuliyiinta safaaradda uga shaqeeyeen isbedelka dhismaha Safaaradda
waxaana uu intaa ku daray in lacagtani ay Wafdigiisa uga qeyb qaadanayaan
sidii ay u dhumeystirmi lahaayeen howlaha dayactirka iyo dib u dhiska
isugu jira ee Safaaradda ka soconaya.
Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Dalkan Uganda Mudane C/weli Maxamed oo
isna dhankiisa ka hadlay goobta ayaa aad uga mahad celiyey lacagta uu ku
wareejiyey Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka waxaana uu xusay
in lacagtaasi aysan ee ay ku filantahay howlaha hada ay bilaabeen ee
dhismaha iyo dayactirka isugu jira waxaana uu tallaabadan ku mid
muujineysa sida Baarlamaanka iyo mas’uuliyiintiisa uga go’antahay iney si
hagaagsan u socdaan guud ahaanba howlaha Qaranka.
Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur
Iikar iyo wafdigiisa oo ka kooban gudoomiyeyaasha guddiyada joogtada ah ee
Baarlamaanka ayaa kormeeray dhammaanba qeybaha uu ka koobanyahay dhismaha
safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda oo ku fadhiya dhul aad u baaxad
weyn.
—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so