Mogadisho International Trade Show (MITS) wa bandhig ama carwo ganacsiyeed Caalami ah oo ay ka soo qayb galayaan in ka badan 70 Shirkadod oo iskugu jira Shirkado Somali ah iyo kuwa Caalami ah.
Ujeedada Bandhig ganacsiyeedkan caalamiga ah ee lagu qabanayo magaalada muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in u yahay mid kor logu qadaayo Ganacsiga Somalia maadama wadanka Somalia uu hada ka soo baxayo burbur dhan walba leh oo 23 ki sano ee ugu danbeyay u ku jira.
Sido kale Bandhig Ganacsiyeedkan ayaa waxaa isku baranaya Shirkadaha Somalida ah ee ka shaqeeya Wadanka iyo waliba Shirkado ajaanib ah oo aad u danaynaya ganacsiga Somalia.
MOGADISHU INTERNATIONAL TRADE SHOW (MITS)
Bandhigaan ayaa sida ay Sheegeen Masuliyiinta Shirkada Horn africa Group qaybtiisa hore noqon doona Khudbado iyo doodo ku adan sida ganacsiga Somalia la garsin karo heer caalami iyo sida ay xiriir jogta ah u yeelan karaan Company yada caalamiga ah iyo kuwa local ka ah.
Halka qaybta danbe ee Bandhigaaan Calamaiga ah ay Shirkad kasta soo bandhigi doonto alabaha ay soo saarto oo qimahoodu aad u hooseyo waxaana alabahaasi ka faidaysan doona Shacabka Somaliyeed ee ku dhaqan Caasimada Somalia ee Muqdisho.
Qabsoomida Mogadisho International Trade Show (MITS) ayaa waxaay guud ahaan guul u tahay Shacabka Somaliyeed gaar ahaan waxaay guul u tahay Dowlada Somalia ee hada jirta…….
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com