Ciidamada badda wadanka Talyaanig ayaa sheegay in qiyaastii 2,000 oo tahriibayaal African ah oo Soomaali u badan ay bad baadiyeen 48 saacadood ee lasoo dhaafay kadib markii ay ciladoobeen doonyihiin ay la socdeen.
Warbaahinta Talyaaniga oo soo xiganaysa taliska ciidamada badda dalkaasi ayaa ku waramaysa inb ciidamada badda ay samata bixiyeen tahriibaal tiradoodu gaarayso 2,128 ruux oo doonyo ka raacay xeebaha wadanka Libya doonayayna inay galaan wadamada reer Yurub
Wakaaladda wararka ANSA ee Talyaaniga wararka u faafisa ayaa ku waramaysa in dhamaan tahriibayaasha la bad baadiyay xilliyo ay ciladoobeen doonyihii ay la socdeen waxaana badankood la geeyay xero qaxooti oo ku taala jaziirada Lampedusa halkaasoo loogu sameeyay gurmadkii ay u baahnaayeen.
Inkastoo dawlada Talyaanigu aysan sheegin tirada Soomaalida la socota doonyahaas la bad baadshay haddana wararka qaar ee ay warbaahinta Talyaanigu tabinayaan ayaa lagu sheegay in muhaajiriintaasi ay u kala dhasheen wadamo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Syria iyo wadamo kale oo waqooyiga Africa ku yaala.
Xukuumadda Roma waxay sheegtay in waayahaan ay kordhisay kormeerida badaheeda sababtoo ah waxaa laga cabsi qabaa inay kordhaan tirada dadka tahriibayaasha ah ee Libya doonyaha ka raacay maadaama la galayo xilliga bad furanka.
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com