Dhuusamareeb(AGGM)_Kulan ay albaabada u xirnaayeen ayaa xalay waxa uu Magaalada Dhusa-mareeb ku dhaxmaray Wasiirada ka soday Dowladda ee halkaa ku sugan iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Ahlusunna waljamaaca .
Ujeedada kulanka ayaa ahaa in Dowladdu ay la wareegto Ciidamada Ahlusunna, lana qarameeyo halkaana laga wado dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Wadahadalada ayaa noqday kuwa in ka badan sadex jeer lagu kala kacay oo ay Ahlusunna shirka ka bexeen kadib markii Mas’uuliyiintooda ay ku qanciwaayeeen qorshaha ay madaxda Dowladdu u soo bandhigeen.
Hogaamiyayaasha Ahlusunna ee shirka layeeshay wafdiga Wasiirada ah ee Xukumada Somalia ayaa iyagu sheegay in ay wali ku ad keysanayaa Hishiis ya hore Dowladda la galeen sida kii Adisababa iyo kii R/wasaarihiii hore ee Saacid kula galeen Magaalada Cabudwaaq
Marka laga hadlo wareejinta Ciidamada iyo ku howlgalid magaca dowladda federalka ayaa Saraakiisha Ahlusunna waxa ay u cuksadeen in Ciidamadoodu ay la mid yihiin kuwa Maamulada kale ee dalka sida Puntland, Galmudug iyo Maamulka Jubba
Dhanka kale waxa ay Ahlusuna ogolaatay in Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ay ka howlgalaan Gobolka Galgaduud lana dagaalamaan Alshabaab balse iyagu ay dagaalka kaga qeyb galayaan Magacooda Ahlusuna.
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com