Muqdisho(AGGM):Ayadoo Madaxa ugu sareeya Howlgalka AMISOM Max’ed Saalax Alnadiif uu sheegay in la hakiyey Dagaalka Al-shabaab mudo Saddex Bilood ah ayaa waxaa hadalkaasi ka hor yimid Xukumadda Soomaaliya.
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya C/laahi Goodax Bare ayaa sheegay in uu san jirin wax hakad ah oo la Galiyey Dagaalkii lagula jiray Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab.
C/laahi Goodax ayaa sheegay in aysan Xukumadda la socon Hadalka AMISOM islamarkaana Dagaalada lagula jiro Al-shabaab hada la dardargalinayo.
Waxaa uu intaa Raaciyey in Maalmaha soo aadan Deegaanada Al-shabaab ku xoogan yihiin laqaban doono sida Baraawe iyo Ceelbuur oo ka kala tirsan Shabellaha hoose iyo Galgaduud.
Maalmo ka hor ayey aheyd markii madaxa ugu sareeya AMISOM Alnadiif uu sheegay in wajigii 1aad ee Dagaalka Al-shabaab lagula jiro la hakiyey islamarkaana wajiga 2-aad uu bilaaban doono Saddex Bil kadib.
Halkaan Hoose ka dhageyo
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com