Dhageyso:Falaagada Al Shabaab Oo Sheegay Inay Gurmad U Fidiyeen Dadkii Ka Barakacay Degmada Qoryooleey.

0

Muqdisho (AGGM): Falaagada Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen inay ku dhawaaqeen barnaamij loogu gar-gaarayo dadka ku nool Degmada Qoryooleey ee Gobalka Shabeelaha hoose oo ay Dowladda Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM gacanta ku hayaan.

Guddoomiyaha falaagada Al-Shabaab ee Gobalka Shabeelaha hoose Maxamed Abuu Cabdala, oo la hadlay warbaahinta, ayaa wuxuu sheegay in Shabaab ay gurmad ballaaran ufidinayaan dadka kunool Degmada Qoryooleey.

Maxamed Abuu Cabdala, ayaa wuxuu sheegay in shalay ay ku dhawaaqeen Barnaamij loogu magacdaray Bad-baadiya dadka Qoryooleey ku dhaqan.

Wuxuu sheegay in Barnaamijkaan uu hada ka socdo Buulomareer, Sablaale iyo Kuntuwaareey oo dhamaan Shabeelaha hoose ka tirsan.

Horjoogahan Al Shabaab u qaabilsan Gobalka Shabeelaha hoose, ayaa sidoo kale sheegay in dadkaan ay ufidiyeen gar-gaarka ay yihiin qoysas kasoo barakacay Degmada Qoryooleey, sida uu sheegayna ay soo barakiciyeen ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Degmada Qoryooleey oo ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM maalin kahor ay la wareegeen ayaa shalay waxaa ka dhacay dagaalo culus oo ay Shabaab kusoo qaadeen, iyadoo xaalada Magaalada ay tahay mid aan laheyn salfadhiya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com