Muqdisho(AGGM):Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee gobalka Shabellada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Qarax lagula beegsaday gaari ay saarnaanaayeen ciidamo ka tirsan dowlada Soomalia ee kusugnaa degmadaasi.
Qaraxa ayaa waxaa uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhawac oo soo gaaray ciidamadii la la beegsaday qaraxa.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka amaanka ee degmada Afgooye Mahadi Axmed Xasan ayaa inoo xaqiijiyay qaraxa iyo khasaaraha uu geystay.
Halkaan Ka dhageyso Hadalka Mahadi Axmed Xasan
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com