Kismaayo(AGGM) Waxaa hadda gudaha Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadda hoose lagu toogtey nin shacab ah kaasi oo la sheegay inay dilkiisa fuliyeen maleeshiyaadka ka tirsan Raaskambooni,waxaana la sheegayaa inay ka qaateen Mobil uu waday marxuumka la dilay.
Dilkan waxaa la sheegay inuu hadda ka dhacay xaafada Farjano ee Magaalada Kismaayo,waxaana la sheegaya inay sidoo kale maleeshiyaadka Raaskambooni ay baarteen dad shacab oo ka agdhawaa meesha dilku ka dhacay,waxaana la sheegaya inuu dilkani yimid ka dib markii ay murmeen mid ka mid ah maleeshiyaadka raaskambooni iyo marxuumka mobilka laga qaaday.
Kooxaha dilka fuliyey ee ka tirsan ciidamada maleeshiyaadka raaskambooni ee dhibaatada xoogan ka wada Magaalada Kismaayo ayaa la xaqiijinaya inay ka baxsadeen meesha uu dilku ka dhacay,waxaana la aaminsan yahay inuu dilkani qayb muhiim ah ka yahay dilalka qorsheysan ee maleeshiyaadka raaskambooni ka wadaan gudaha magaalada kismaayo.
Ugu dambeyntii dilkan ayaa ah kii labaad ee 24 saac gudahood ka dhaca gudaha Magaalada Kismaayo iyadoo Maleeshiyaadka Raaskambooni shalay galinkii dambe si bareer ah u dileen Ugaas Xuseen Haafow uu ahaa ugaaskii beesha Cawro Maleh,waxaana dilalkani si aad uga u carooday shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ee loo beegsanayo qaabka qabiil.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com