Muqdisho(AGGM):Shalay waxaa Muqdisho kadhacay xaflad bulshada Spoortiga Somaliya ay ku tilmaameen xafled ceebeed waxaana kasoo qayb galay inta badan Xiriirada kala duwan ee dalka iyadoo lasheegey in lagu sagootinayey Xaawa Taako oo horay u ciyaari jirtay.
Xafladaas waxay ka dhacday baar loo dalxiis tago oo ku yaala xeebta Liido waxaa ku baxay lacag lagu qiyaasay sadex ilaa afar kun oo doolar waxaa lacunay wax kasta oo qof waliba cuni karo dhaylo digaag hilbo shiilan kaluun bariis iyo baastooyin kala nuuc nuuc ah waxaana halkaa qadada kadib laga jeediyey hadalo u badnaa amaan iyo sagootin.
Hadaba waa maxay sababta loogu tilmaamay xafled ceebeed waxaa beryahaan aad u xanuunsanayey halyeey Sporti Mxamed Jibriil Jurru iyadoo tan iyo markuu xanuunsaday aan cidina wax u qaban isbitaalna aan lageyn waxaana beryahaan oo dhan warbaahinta looga codsanayey kaalmo bulshada Soomaaliyeed laakiin waxba kama soo naasa cadaan.
Waxa uu Jurru ku xanuunsanyahay qol aad u yar oo kuyaala Degmada Shingaani xadladuna waxay ka dhacday xeebta liido waxay isku jiraan wax kayar hal kiiloo mitir waxaa soo gaarayey carafta hilbaha shiilan dhaylada iyo kaluunka halkaa lagu cunayey waxaana laga yaabaa inuusan maalinkaa qadayn kaaga sii darane waxaa halkaa isugu yimid dad gaaraya 70 qof oo caan ka ah Sportiga dalkeena Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta Cali Saciid Guuleed. Xaaji Coloow. Ibraahim Roombe. iyo kuwo kaloo farabadan.
Markii lagaaray xiligii hadalka waxaan filaayey in ugu yaraan laxusi doono ama loo duceyn doono ama yabooh loo sameeyo balse nasiib daro lama soo hadal qaadin waxaana lawaayey qof soo xasuusta halyeeygaa lugta iyo gacanta naafada ka noqday dad iyo dalna aan haysan ehelka ugu dhowna ay iyagu yihiin wuxuu noqday hadalkoodii oo dhan amaan iyo macasalaamayn Xaawa Taako un ku kooban waa yaabee gabadhaasi ma waxay ahayd Maradonaha Somaliya Jurruna ma laws iyo daango ayuu isbartiibada ku wareejin jirey mise Sportiguna wuxuu yeeshay qabiil iyo anaa kaa tol badan? aan kajawaabee Jurru wuxuu ahaa Ciyaaryahan difaacay qaranka somaliya calnkeenana kadoortay kan Ithopia Xamarna loogu soo dhaweeyey sidii ugu qiimaha badnayd ee qof loo soo dhaweeyo.
Waxaan soo xasuustay markaan arkay qof Yurub oo dhoofaya oo afar kun oo doolar lagu sagootinayo iyo Jurru oo aan cidina ee gayn Heestii allaha unaxariistee Maxamed Saleebaan ee ahayd allahayow nin dhoofiyo ninkii degan dhulkii hooyo nin dhergiyo nin dhawr qaday aan dheef hayn.balse yaanan hilmaamin in Jurru alaah uu leeyhay wixii u qorana uu heli doono balse baal madoow ayaan ku qoray dadkii shalay liido xaflada ku sameeyey iyo kuwii kaqayb galay waxayna markaan hawshu u taal qofkasta oo damiir wadaninimo kujiro oo looga baahanyahay ineey caawiyaan halyeeygaa uusan ceelna u qodnayn cidina u maqnayn.