Nairobi (AGGM): Boliiska Dalka Kenya Ayaa Lagu Amray In Ay sii balaariyaan Baadigoobka Cidii ka dambeeysay weerarkii Kiniisadda Likoni ee Axadii aynu soo dhaafnay lagu qaaday iyagoo baadigoobkooda ka wada deeganada Countiga Mombasa ku dhow ee Kilifi iyo kuwakale.
Gudoomiyaha dhanka amaanka ee Countiga Mombasa Nelson Marwa ayaa amar Toogasha ah ku bixiyaya cid kasta oo ay Booliisku Argagaxisanimo uga shakiyaan wuxuuna hoosta ka xariiqay in xitaa hadii maxkamada Lageeyo cidii helitaanka dokumentyada ama marqaati ka qeybqaata dacwadooda.
Shir dheer oo dhexmaray hogaamiyeyaasha diinta masiixiga iyo hogaamiyaasha maamulada gobolka Xeebta ayuu gudoomiyaha dhanka amaanka ee Countiga Mombasa amar ku siiyay in cid kasta oo dhibateyneysa bulshada in la toogto.
Nelson Marwa ayaa isagoo toos u lahadlayay taliyaha Boliska ee countiga Mombasa Robert kitur wax u shaaca ka qaaday in toogashada burcada ay sineeyso kuwa wax ku noqda falalkooda cadaallad.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com