Hay’addaha udooda xaquuqda aadanaha ayaa cambaareeyay go’aan kasoo baxay dowladda Kenya oo lagu amrayo tobonaan kun oo ah qaxootiga Soomaalida ee Kenya inay ka baxaan magaalooyinka iyo Tuulooyinka Kenya una laabtaan xeryaha ay ka diiwaan gashan yihiin.
Hay’adda Human Right Watch iyo hay’adda caalamiga ah ee qaxootiyada ayaa si wadajir ah u sheegay in go’aankaani uu ka hor imaanayo amar kasoo baxay maxkamada sare ee Kenya sanadkii 2013 oo sheegaya inay qaxootiga Soomaalidu si siman ugu noolaan karaan gudaha Kenya islamarkaana aan lagu qasbi Karin in dib loogu celiyo xeryahooda.
Hadalkaaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo wasiirka arimaha gudaha ee Kenya Joseph Ole Lenku uu sheegay qaxootiga in la faray inay dib ugu laabtaan xeryahooda sababo la xiriira xaga amaanka.
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com