Kismaayo (AGGM):Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada gabdhihi Soomaaliyeed ee ay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo Saaxibadood Kenya ku fara xumeeyeen gudaha magaalada Kismaayo ay ku sugan yihiin xaalad nolol xumo.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in gabdhahan Soomaaliyeed ay ka hanjabeen dowladda Soomaaliya iyo Madaxdoodaba, mar haddeey waayeen dowladda daryeesha iyo mas’uuliyiin xaqoodi raadiya.
Gabdhahan Soomaaliyeed oo ay tiradoodu gaareeyso 49 gabdhood inta la yaqaano ee diwaan gashan ayaa waxa ay codsi u dirayaan dhamaan Shacabka Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan in wax laga qabto xaalkooda.
Dhawaan ayay ahayd markii uu booqasho ku tagay R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo magaalada Kismaayo haddana daah kama saarnen R/wasaare Cabdiweli Sheekh Xaalada dhabta ah ee magaalada Kismaayo, haddana wuu u quuri waayay inuu booqdo gadhahaas oo uu yiraahdo maxaa idin gaaray amaba uu booqdo.
Haddaba gabdhahan Soomaaliyeed soo xaq kuma aysan lahayn dowladda Soomaaliyeed inay daryeesho soona booqato?
Isku soo wada duuboo gabdhahan soo kama mid ahan gabdhaha Soomalaiyeed ee uu Cabdiweli Sheekh Axmed R/wasaaraha u yahay, haddii kuwii dhibanaa sidaas loo daayacay maxaad ka fileysaan kuwa fiyoow, mase oran karnaa waxaa jirta dowaldda u jajaban oo ka naxaysa shacabkeeda, hadii ardaydiii ka buuxaan xabsiyada Raaskambooni, Gabdhihiina ka buuxaan isbitaalada Raaskambooni Madaxdiina Dhaanto ku dul ciyaareeyo Alle mooyee yaa u maqan?
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com