Garasho-la’aan
Dhawaan waxaa magaalada Kismaayo booqday ra’isul wasaare Cabdiwali Sh Axmed hadaba waxaa xusid mudan in safarkaas oo wax badan laga dhawrayay ayaa isu badelay mid si aqoonta siyaasadda iyo dhaqanka deegaanka ka baxsan ku dhacay. Anigu waxay ila tahay in ra’isul wasaaruhu uusan kaashan caqligiisa, kan odayaasha iyo siyaasiyiinta deegaanka, waxaa meesha ka muuqata maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd ‘Aqoonta yar waa khatar ’ raisul wasaaruhu waxaa habboonayd in uu dib u soo eego buugaagta gobolada Jubbooyinka ee la qorayay tan iyo xornimadii Soomaaliya iyo wixii ka horeeyay, iyo kuwii laga qoray madaxdii deegaanadaas maamulaysay xilliyadii dagaalada sokeeye ee uu ugu dhibka badnaa sida wasiirkii hore ee gaashaandhiga Col Barre Hiiraale iyo ciddii kale ee masiinka umadda deegaanadaas soo haysay muddo 10 dhan.
Qorshe La’aan
Marar badan waxaa raisul wasaaraha lagu taliyey inuusan ku jabin wadadii qaldanayd ee inta Addisababa la tagay lagula heshiiyey hal koox oo kamid ah kooxhii dagaalku ka dhaxeeyay, iyadoo ra’isul wasaaraha ay ahayd in uu arrimaha Jubbooyinka u samaysto Jadwal qeexan, ayaa waxaa ii muuqanaysa in meesha uu la tagay qorshe la’aan, taasoo dad badan oo Soomaaliyeed wax badan u iftiimisay.
Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo hoggaankoodu sida aan idaacadaha ka arkay waxay rabaan inay helaan nidaan ku qeexan jadwallo qorsheyaal dib-u-heshiisiin dhab ah iyo awood hoos ka soo billaabid taasoo dadka Soomaaliyeed oo dhan laga qeybgelinayo.
Dhexdhexaad la’aan
Dhawr shir oo ah dib-u-heshiisiin si deg deg loo soo abaabulay ayaa la qabtay magaalada Kismaayo,kuwaas oo aad moodo markii aad si taxadar leh u eegto in wax la qarinayo ay ku dhexjiraan. Gaar ahaan muddo 2todobaad gudaheed ah ayaa waxaa Kismaayo ka dhacay illaa 2 shir oo si boobsiis ah lagu soo abaabulay, waxaan si aad ula yaabay anigu, ergada diyaarka ku ah Kismaayo ee aana ka imaanin gobolada Jubbooyinka ee xilli walba shirka iska furanaysa? waxaa loo baahnaa in dadkii deegaanka oo dhan la casuumo illaa Luuq, Baardheere, Saakoow, Buaalle, Jilib, Jamaame iyo dhulka kale ee aana halkaan ku soo koobi karin illeen waxay kamidyihiin deegaanada nidaankooda la qabsanayo. Maxaa si xor ah iyo cadaalad ah loogu garqaadi waayay raggii siyaasada ku loolamayay, iyadoo aysan jirin kala sareyn iyo madaxnimo sheegasho. Raisul wasaarahu wuxuu kula kulmay odayaashii beelaha ee uu Kismaayo ku qaabilay aqalkii madaxtooyada ee Axmed Madoobe, iyadoo shir walbana uu fadhiyey wakiil maamulka Kismaayo ka socda, taasoo cabsi ku abbuuri kartay oday walba oo sheegi lahaa wax aysan ku qanacsanan dhinaca maamul ahaan xukuma magaalada. Anigu sida aan bartay habkaas ma ahan habka loo wajaho xaalad dib u heshiisiineed oo sidaan oo kale u adag.
Inkastoo ay adagtahay in la ogaado, waxaa laga yaabaa in dadka ka qeybgalaya shirarkaas Kismaayo ee odayaasha ah aysan xor ahayn, oo lagu jujuubay rabitaan koox ay wadato maadaama aysan dawladu joogin Kismaayo, wax walba oo deegaankaas ka dhaca waxaa laga yaabaa inay ku dhacaan cago juglayn iyo hab qasab ku yeel maadaama nidaamka dhulka ka jiro lagu muranyahay.
Ugu dambeyntii arrimahaan Jubbooyinka waxaa ku lug leh kooxo dhinacyo gaar ah u adeegaya haddana watta magac urur goboleedyo iyo dawlado daris ah, kooxahaas oo ay u sahlantahay inay go’aanno dhinac u janjeedha gaaraan.
Dr Cabdullaahi Sh Muuse
Doctor of Political Science
Ottawa, Canada
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com