SOOMAALIDA IS DILKA IYO IS DHACA MA U XEER BAA?

0

Soomaliya waa dal dadkiisu ay waxyaabo badan oo aas aas ah wadaaga sida dal aan lahayn xuduud kala qaybisa dadkiisa, luqad midaysan, diinta oo mid ah iyo dhaqanka bulshada meel wada dagan oo isku mid ah. marka aad dib u eegto waa arrimaha wali isku haya oo suurta galiya in dadka Soomaliyed ka dhaxayso xigto xididnimo, wada noolaasho, isdhexgal, isku socod, ganacsi wadaag iyo qaraabo xiriirin.

Haddaba arrimaha kore markaad eegto waxaad oran kartaa ma jiro wax nacayb ah iyo colaad qoto dheer oo ka dhaxeeysa dadka Soomaliyeed, haddana waa kuwaas kala qaybsan oo soo ceshan la’ midnimadoodii iyo quwaddii ay lahaan jireen.

Dadka Soomaaliyeed intii ka horreysay isticmaarka reer yurub iyagaa is xukumi jiray. Markuu isticmaarku qabsaday dalka oo uu u qaybshay shan qaybood uma hogaansamin umada Sooamliyeed kumana raalli noqon xukunkii isticmaarka oo iyagaa dhexdooda ka samaysan jiray heshiisyo iyo xeerar wada noolaasho oo aad iyo aad ayey u yaraayeen dadka tagi jiray xafiisyada uu isticmaarku samaystay.

Haddaba dadka Soomaaliyeed waxay lahaayeen xeerar ay samaysteen iyagu oo ay isku xukumaan dhexdooda, sidoo kale waxay lahaan jireen caadooyin wanaagsan oo la tixgaliyo marka xeer la dajinayo.

Xeerarka Soomaaliyeed ma aysan qornayn haseyeeshee kama duwanayn wax qoran oo jiilba jiilka ka danbeeya ayuu u gudbin jiray. Soomaalidu ma jeclayn dagaalka waxayna aad u qiimayn jirtay nafta qofka, waxaana jiray xeerar ay dhigteen si ay u kala badbaadaan. Markaad eegto xeer Colaadeedka ay ku dhaqmi jireen bulshada Soomaliyeed waxaa uu u kala baxay mar duulaanku uu yahay in ay dagaal qaadaan la isku laynayo, waxaa xeerku ahaa in aan la dilin lana furan dadka duqowda ah, naagaha iyo carruurta in aan wax la yeelin iyo in aan la dilin qof dhaawac ah ama dagaalka lagu qabto isagoo fayow. Taasi waa marka colku u duulo in uu wax soo laayo, hase ahaatee marka uu colku u duulo in uu xoolo soo dhaco oo uusan dad layn, waxaa xeer u ahaan jirtay sida soo socota: Markuu colku qaado geel sida caadiga ah waxaa ka daba imaan jiray nimankii geela lahaa ee laga soo dhacay markaas seddex xaalo midkood unbaa dhici jirtay:

in uu bato colka geela laga soo qaaday ee ka daba yimid.
in uu bato qolka geela qaaday
in ay is la ekaadaan labada col.
Haddii uu bato colka geela lahaa ee laga soo qaaday, qolada geela soo dhacday waa ka dhex bixi jireen geela oo meel durugsan bay tagi jireen waxyna soo dirsan jireen qof ama laba qof oo ergo ah oo u yimaada colka geela lahaa ee ka daba yimid oo geeloodii laga dhex baxay, waxay dhihi jireen waxaan nahay niman nafi hayso oo baahan geeliina waad naga ridateen ee geela hilbo naga siiya aan qalano, meeshaas ayaa lagu siin jiray neef ama labo ay qashaan.

Haddii ay bataan colka geela dhacay, sidii horoo kale colka geela laga dhacay ee daba socday waxay soo dirsadaan qof ama laba ergo ah waxayna ku dhahaan: Warhooy nooga taga awrta iyo irmaanka geela intiisa kalena la taga, waana laga yeeli jiray oo la aqbali jiray.

Haddii labada col is le’ekaadaan, waa la xaajoon jiray waxaana inta badan lagu heshiin jiray in geela la qaybsho oo qolaba bar qaadato. waxaana loo yaqaanay qaybtaas qaybtii haad qaadis taas oo micnaheedu yahay in haadku ka dhargi lahaa hilbo dad haddaan sidaan la yeelin.

Waxaa seddexdaas go’aan oo aadka u kharaar loo gaarayo waa in aan dagaal dhicin, dhiigna daadan dadkuna uusan is layn. Arrintaas waxay dhex mari jirtay dadka uu ka dhaxeeyo xoolo la kala dhaco ama dhac xoolaad hase yeeshee uusan dhex marin dagaal dad la isaga laayo. Waxaad halkaas ka garan kartaa in dadka Soomalida ah ay xittaa xeer u lahaayeen xaalada colaadda ayna ahaayeen dad is jecel, nabadana jecel oo waliba nafta bani’adanka ay qaali la tahay.

Bulshadii meel kuwada noolba waxay lahayd xeer ay ku dhaqmaan, marka ay xeer degsanayaan waxaa asaas u ahaa dhaqanka, taariikhda iyo caadooyinka ay lahaayeen Soomalidii hore, Waxaa kaloo la tixgalin jiray oo xeerarka Soomalida saamayn wayn ku lahaan shareecada islaamka taas oo ay meelo badan iyada wax ku qaybsan jireen sida diyada, dhaxalka iyo dhammaan wixii qoyska ku saabsan. Ma jirin wax calaaqo ah oo kadhaxayn jiray xeerarka Soomaalida iyo xeerarka shisheeyaha.

Sidaan soo sheegnay xilligii isticmaarka aad bay u yaraayeen Soomaalida tagi jirtay xafiisyaa isticmaarka si loo kala xukumo, waxaana ay ku qanci jireen xukunka odayaasha iyo xeerarka u dagsanaa.

Isticmaarku wuxuu qoray markuu ka hadlaayey xeerarka Soomalida in Soomaalidu xeerkeedu ahaan jiray is dil, is dhac, is boob iyo kala aargoosi. Soomalidu waxay ka mid ahayd bulshada caalamka oo xilliyadaas qarniyadii dhexe ay ka jiraan fal danbiyeedyo laakiin waxay ahayd umad xeer leh, aadna u ilaalisa nabada kana hortagta wax kasta oo dagaal iyo colaad keeni kara.

Haseyeeshee maanta markaad eegto waxa ka socda Soomaaliya waxaad oran kartaa waa sax oo Soomalida waxay ku heshiisay in ay is dilaan, is dhacaan, is barakiciyaan iyo midnimo laáan keentay in dib loo gumaysto waliba gumaysi madow. Runtii waxaa meesha ka baxay oo tirtirmay xeerarkii dhaqanka ee soo jireenka ahaa iyo odayaashii waxgaradka iyo xeer beegtiga ahaa oo looga danbayn jiray talada iyo go’aamada, kuwaas oo dhib kastoo bulshada ku soo kordha ka dajin jiray xeer lagu dhaqmo oo qaofka sharaftiisa, naftiisa iyo xoolihiisaba ku badbaadaan. Waxaa badalay oday cimaamad garabka saartay oo kali talis ah haddana aan diin iyo dhaqan hore midna aqoon, siyaasi nin sheegta oo aan aqoon iyo waayo aragnimo midna lahayn, mooryaan wax walba banaystay xeer celiyaana uusan jirin, wadaad tusbaxa iska dhigay oo qori garabka ku wata, dictoor aan jaamacad ka soo bixin wax kastana yaqaan, Wariye ama journalist aan iskuulba loo bilaabin, Dagaal ooge dad badan laayey oo mudane baarlamaan lagu sharfay, iyo dhalinyaro dhiig qof muslim walaalkiis ah raba in uu janno ku galo. Haddaba bulsho intaas ay horsocoto ma la rajayn karaa in ay dhibka ka baxdo oo ay noqoto umad midaysan oo awood iyo karaama leh?.

Maxamed Geelle Warfaa
warfaa1997@yahoo.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com