Inta badan wax waa la dhisaa laakiin soomaalida dhaqankeedu ma ahan waxay dhisatay inay dabagalaan oo ay la xisaabtamaan waxay dhisteen waxay qabteen oo wanaag ahna ugu hambalyeeyaan AMA ay ku dhaliilaan waxay haleeyeen amaba qaban waayeen.
Hadaba maanta waxaan iswaydiinaynaa xagee kudanbeeyey urukii SDSI ee aan dhisanay 11/29/2011, kaas oo aan ku dooranay mudane C/QANI SH/CALI DIINI mudada uu xilka inuu hayo loogu tala galayna ay ahayd muddo 2sano ah ugana ekayd sida halkaan iiga muuqata 11/29/2013.
Hadaba maanta waxaan dib ujaleecayaa wax qabadkii ururka SDSI mudadii labada sano ahayd ee ay jireen ama ay shaqada hayeen intaan ka xasuusto iyo wax dhimaalkoodii iyadana waxaan ka xasuusto.
1- Ururka SDSI waxay ka qayb qaateen dhisida garoonka degmada Caabudwaaq waxayna kaga qayb qaateen lacago ay ka uruuriyeen shacabwaynaha ay ku abtirsadaan sidoo kale waxay ka qayb qaateen waxoogaa dhibaata ahayd ee ka dhacay degmada deka ee ku dhaw magaalada nagayle halkaas oo ay ka dhaceen dagaalo sokeeye oo ay ka qayb qaateen xalkeedii marka inaas laga reebo ma garan karo wax kale oo ay uqabteen umadda u dooratay hogaanka isku xirka qurbaha iyo gudaha beelwaynta sade.
2-Ururka SDSI waxay ku guuldaraysteen hawshii loo egmaday ee ahayd inay isku xiraan shacabka ay wakiilka ka ahaayeen dalkii iyo dibadaba kana shaqeeyaan horumarkooda sida waxbarashada, caafimaadka, jidadka, biyo galinta magaalooyinka, nadaafada, koronto galinta, iyo dhamaan adeegyada bulshada waxii la qabankaro.
3- Wax dhimaalka ururka SDSI waxaa ka mid ah.
A- Ururka SDSI Waxuu ka qayb galay shirar lagu waxyeelaynayey beesha sade sida kii ka dhacay garoowe oo lagu dibindaabyeynaayey beesha sade.
B- Shirkii ka dhacay qabri dahare oo uu qabtay ina cabdi iley kaas oon ogsoonahay ujeedkii loo qabtay oo ahayd burburinta awooda ciidan ee beesha sade.
C- Ururku waxuu kaloo ka qayb galay shirkusheegii uu isku caleema saaraayey Axmed madoobe laguna banaystay sharaftii iyo haybadii ay lahayd beesha sade iyo waliba hantidoodii laguna laayey dad gaaraaya ilaa 134 qof oo sade ah.
D- Ururka SDSI waxuu ku guuldaraystay isku keenida siyaasadaha kala duwan ee beeshu ku kala aragti duwan tahay waxuuna la saftay garab ka mid ah garabyada kala aragtida duwan.
E- Hogaanka Ururka SDSI ayaa wali waxuusan ka waantoobin sheegashada hogaanka ururka SDSI iyadoon ogsoonahay in waqtigoodii uu dhamaaday waxan halkaan uga diraynaa baaq xubnaha sheeganaya mas,uuiliyada Ururka SDSI inay joojiyaan sheegashada hogaanka Ururtka SDSI..
Hadaba walaalayaal mar hadaan aragnay ururkii aan dhisanay wax qabadkoodii iyo wax dhimaalkoodii waqtigoodiina uu dhamaaday muddo hadda laga joogo 7bilood aysana inoo qaban shirwayne lagu dhisto maamul cusub sow ma haboono inaan si wadajir ah u iclaamino shirwayne ay yeelato beesha sade kuna dhisato maamul cusub oo la wareega hogaanka Ururka SDSI.
Waxii hada ka danbeeyana ay beeshu yeelato shir hordhac ah oo lagu magacaabo gudigii qabanqaabada shirwaynihii 3aad ee Ururka SDSI si aysan beeshu uGu soo dhicin hogaan la,aanta hada haysata.
GABOGABO.
Waxaan ka cudur daaranayaa qoraalkaan inaanan qofna wax ku yeelaynayn ee ay iga tahay iftiimin wax qabadka ururka SDSI iyo wax dhimaalkiisaba iyo waliba inaan xusuusiyo beesha sade inuu dhamaaday waqtigii Ururka SDSI si lloo gaaro in la qabto shirwaynihii lagu badali lahaa Ururka SDSI ee waqtigoodii dhamaaday muddo hada laga joogo 7bilood kuna ekaa waqtigoodii 11/29/2013..
W/Q: Gureey Xaaji Faarax
gurey44@gmail.com
Qoraalkan waa fikirka qoraha kama uu turjumayo fikirka Warbaahinta Allgalgaduud Media, Waxii ammaan ah amaba dhaliil ah fadlan kala xiriir qoraha Emailkiisa.gurey44@gmail.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com