Wadaad xume ayaa beri raacay TABLIIQ, si dad loo soo wacdiyo (HANUUNIYO). Sheekh ku sheegga Wadaad xumaha ah wuxuu UBBO yar ku sitaa Qamri. Intii la sii socday oo dhan ayuu qujuc, dhukub ku hayay. Wadaaddada kalee TABLIIQA ah, ee la socota Wadaad xumaha ma oga Qamrigiisa! Meeshii loo socday markii la gaaray iyo waxaa isku soo beegmay isagii (Wadaad xume) oo saqraansan. Wadaad xumihii saqraansanaa ayaa hadalkii billaabay, wuxuu is yiri bal Qamriga iyo xumaantiisa wacdiga ka billow, sidii ayuuna yeelay. Markuu wacdigii cabbaar waday, ayaa mid u dhawaa oo dhiniciisa taagnaa ayey gaf ku soo tiri kahdii Qamriga, oo waxaa u soo urtay Qamragii wadaad xumuhu soo cabbay, markaasuu si niyad ah u yiri: “SHEEQOOW MA NAGA HUBTAA?”
Waxaan ku jiray inta la yaabbanayd magacbista mudane C/weli Sheekh Axmed, haddana, codkeenna iyo curinteenna waxaa qariyey sawaxanka beesha, sacabka beesada iyo sirmida samajecelka. Inta Dollarlka lagu doortay, oo cod iyo caddad ku helay gartay, oo waaba loo fartaagaye, isaga maxaa lagu xishay? Anigu illaa iminka waa garan la’ahay, ee haddaad igu dhaanto, fadlan ii bidhaami adoo raalli ah, inta ka horraysa, aan sii baal rogee, bal qormada sii raac.
Yaabkii wuxuu dhalay yaab kale, ka dib markuu soo dhisay xukuumad ka kooban 55Wasiir, oo dadka soo xasuusiday Baarlamaankii Dawladdii Shariif, ee “Tiro badne, tayo yare!” oo ka mid ah belooyinkii Jabuuti ay noo qooshtay halkay baga badbaadin lahayd. Kii ka horreeyey mudane Saacid gacan adaygga iyo bakhiiltinnimada wuxuu xukuumaddii dhammayd ka dhigay 10Wasiir, waa kaaf iyo kala dheeri, ee maxaa noo diiday dhexdhexaadnimada, oon had walba xagjir u nahay?.
Ha yimaadee, muxuu yagleelay? Magac eber ah, mansab maran, maqaan aan jirin, muunaad lunsan, masuulnimo dilantay, muran aan dhammaan iyo mabda’ la’aan ayuu sida kuwii ka horreeyey looga bartay la yimid, ayba u soo dheer tahay habacsanaan iyo haleel la’aan hor leh. Ha degdegin aan kuu daliilshee, adoon beelaysnayn ama qabiilaysnayn ila dhugo xujooyinkan, ka dib dhankaad rabto u bayr.
Ma ii sheegi kartaa dhismaha xukuumadda ka dib, tallaabo muuqatoo hormar leh oo ay ku tallaabsatay? Ma ii sheegi kartaa go’aan wax ku ool ah ay gaareen, ee la meelmarshay? Waxaan la yaabaa sida aysan illaa iminka xumuumaddiisu wax uga qaban arrimaha dhaqaalaha waddanka, oo ay ugu horrayso lacag cusub samaynteeda iyo guddoonka Bangiga Dhexe oo la hirgalsho? Waxaa la yaab ah, waxa ay uga aamusan tahay XILDHAANNADA XERADA XALANE ku XARAYSAN, MOOSHINKA ay ka keeneen shirkadda FAVORI, oo haddii shirkadda Garoonka laga saaro ayaa maamulaya? Ma isbaaro inay dhigtaan ayey rabaan? Yaab.
Intaa waxaa sii dheer, qodobbada ay ka midka yihiin ammaanka, oo aan wali wax weyn laga qaban, la dagaallanka Alshabaab, oo mar kale hakad la galiyey, la dagaallanka musuqmaasuqa, dhammaystirka hay’adaha dawladda, ay ugu horreeyaan qabyatirka dastuur ku sheegga (DALTUURKA), dib u dejinta barakacayaasha, hanti isu celinta, dib u dhiska dalka, habaynta qaanuunno lagu hago kala hago hay’daha dawladda.
Sida caadada u ah masuulka Soomaali, xafiiska mudane C/wali badi dadka ka shaqeeyaa waa shaqaale jufadiisa ka soo jeeda, oo ku qabiil ah. Ogsoonow, ma ahan iin uu kaligii leeyahay, ee waa mid lala wadaago, oo ay ka siman yihiin kuwa ka garab muuqda iyo kuwii ka horreeyey, oo aysanna caddayn in kuwa iman doona ay ka marnaan doonaan.
Mudane Cabdiwali isagoo ka qaybgalay shir ku saabsanaa arrimaha murugsan ee dalka Koofurta Suudaan ayuu wuxuu yiri: “Waxaan ku faraxsanahay inaan magaca Soomaaliya uga qeybgalay Kulanka 26-aad ee IGAD ee looga hadlay arrimaha khilaafka ka taagan Koonfurta Suudaan.
Waxaan mar walba diyaar u nahay in aan kala shaqaynno Urur Goboleedka IGAD horumarinta wada-hadalladda iyo dib-u-heshiisiinta gobolka.” Mar kale ku lahaa: “Waxaan u rajaynaynaa Koonfurta Suudaan Nabad iyo Guul” hadduu Koofurta Suudaan u rajeeyey nabad iyo guul, koofurta dalka uu u yahay Wasiirka 1aad muxuu u rajeeyey, oo dagaallo iyo diriri ka soo cusboonaadeen? Waana sababta aan cinwaanka uga dhigay: Cabdiwaliyoow: Labada Koofur tee kuu daran?!
Ma ahan tallaabadii ugu horreeyey ee lagu ogaado go’aan xumadiisa, ee wali eray ma ka maqasheen ku aaddan Kenya iyo silaca ay Soomaalida kula kacday. Waxaan in badan arkay iyada oo mudane Xasan kaligii la xagxaganayo, sidii inuu yahay Ra’isul Waaaraha dalka, haa waa ku qaldanaa isagoo booqasha ku jooga Kenya inuu ka gaabsado dhacdooyinkaa, oo waliba diyaarado iyo dalxiis isaga daansha daanshooda, balse, ninka eedda ugu weyn ay ku dheceee, waa mudane Cabdiwali, maxaa yeelay, isaga ayey ahayd inuu la xisaabtamo wasiirrada ku shaqada leh, ee uu ugu horreeyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo kan Xiriirka Caalamiga ah, mase dhicin, sida aysan u dhicin in wax looga qabto dhibaatooyinka ka jira Libya, Yaman iyo waddamo kale oo Soomaalidu ku dhibaataysan yihiin.
Waxaaba taa iiga sii daran waa, inuusan wax la taaban karo ka qaban dagaallada ka soo cusboonaaday gobolka Shabeellaha Hoose, marka laga reebo warsaxaafadeed uu mudane Cabdiwali ku yiri: “Dagaalka waa in deg deg loo joojiyo, laysuguna yimaado gogol wada xaajood” oo hadda yey tahay inay dagaalka joojiyaan? Yey tahay inay gogosha la isugu imaanayo ay dhigaan? Yey tahay inay kala dhexgalaan beelaha dagaalaya, oo ay kala dhexdhigaan ciidan iyo askar? Ma warsaxaafadeedka? Ma aniga? Ma adiga aqriste? Mise ruuxaaniyaad aannaan u jeedin iyo wax naga qarsoon? Moogi anigu, ee yaa og.
Tusmo xumada jirta qayb waxaa leh qaabdarrada DALTUURKU u samaysan yahay, oo sabab u ah dhibaatooyin badan oo dalka ka dhammaan la’ ama ku soo cusboonaaday. Marka laga soo tago dagaalkan Shabeellaha, waxaa jira in ka badan 3 maamul oo mid walba sheeganayo inuu Shabeellaha maamulo, haddana, mudane Cabdiwali iyo xukuumaddiisa lagama hayo hal hadal ama hal hawraar oo ku aaddan arrintaa, aan ka ahayn aamus iyo il ka daawasho.
Ewel baan hore ula fajacsanaa sheeko dhalanteedkii ahayd waxaan gacan ka gaysanaynaa xal u helidda arrimaha Yukrayn, ee haddana, ma waxay maraysaa waxaan nabadayn ka galaynaa Koofurta Suudaan? La ye: “Tiisa daryeelaa tu kale ku dara!” ee nin dalkiisii wada holcayo, oo Waqooyi iyo Bari laysku hor fadhiyo deegaanka Khaatumo, bartamaha ay dagaallo beeleed ka jiraan, koofurta ay Shabaab wali gacan ku hayso deegaanno ka mid ah, haddaba, ninkaa ma u qalantaa inuu ku mashquulo arrimo dalal kale?. Waxay la mid tahay: “Socon weynaye, aan orodno!”.
Mudane Cabdiwali wuxuu la mid yahay qolyihii ISLAAX ee mudane Xasan dhaleecayn iyo buuq ku furay, ka dib markii uu dalka Masar uga qaybgalay xaflad caleemmo saara ah, oo lagu maamuusayey Madaxweyne C/fattah Khalil Al-Sisi. Waxaa la yaab ah waxa dal kale ka dhacay, maxaa naga galay, keennii ayaan u tabar la’ nahaye? Ta kale, casuumad loo fidiyey madaxda dawladda, ma waxay u diidayaan in xubin Ikhwaan ah xiran yahay, horeba madaxweyne ha u soo noqdee? Yaab.
Waxaa isaga igala sii daran, waa afyaheen ku sheeggiisa, Ridwaan Xaaji Cabdwali, inow hal magac la wadaago ka sokow iyo afgurrac naantiisa, waxaan kala yaabay, inuu had walba u adeegsado bogga Faysbuuggiisa magaciisa gaarka ah, si uu dadka ula wadaago war saxaafadeedka Wasiirka, oo ah runtii wax laga xumaado.
Ha moodin inuu kali ku ahaa, waxaa la mid ahaa afhayeenkii hore ee mudane Xasan, oo isna sidaa oo kale ahaa mudane Yariisow, oo ayba u dheer tahay in mudane Silvio Berlusconi oo maxkamadi ku xukuntahay 4 sano oo xarig ah, dacwado kalana ay ku socoto uu soo saartay Faysbuugga, malaha aqoon uma lahan, mise caddaanka ayuu ka raacayey? Yaab.
Mudane Cabdiwali bal dhag is qabo, inta aan timaha lagu qaban. Haa, illeyn tima ma lahayn, malaha waaba waxa uu sidaa ugu dhaqmayee. Wuxuu la mid yahay ninkii rati uusan laheyn, oo uu caddeysimo ku rartay heeryo la’aan xitaa milif yarna ha ahaadee asiga iyo agabka saaran aan u dhaxaysiin, ee hees naceybkii digashada ahaa ku yiri:
Haddaan dheellis kuu raro
Ama Dhooman laad laad
Igu dhiibad aa tahay
Igumana dhaqaaqsanid (fogid)!”.
Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com