Muqdisho (AGGM):Xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho waxaa maanta ku kulmaya xildhibaannada baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya kuwaaso maanta yeelan doonna doodo dhowr ah oo ay kaga doodi doonan ajandayal horyaalla.
Xildhibaan Max’ed Cumar Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Xildhibaanada la siiyey Mudo labo maalin ah oo ay oga Doodayeen Qodobada ku jira Xeer hoosaadka,ayagoona Arbacadii iyo Khamiistii ka soo Munaashuqooday Xeer Hoosaadka Baarlamaanka ay ku shaqeeyaan.
Max’ed Cumar ayaa intaa ku daray in maanta lagu rajo weyn yahay in la Meel mariyo Sharciyada Xeer hoosaadka ee Doodooda ay Mudooyinkaan ka socotay.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ilaa Dhowr fadhi oo ay ku Ansixin lahayeen Xeer Hoosaadka uu Fashil ku yimid kadib markii Kooramyadii Baarlamaanka aysan soo dhameystirmin.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com