Marka (AGGM):Kulan lagu kala kacay ayaa waxa xalay uu ka dhacay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka SH/Hoose kaasi oo dhexmaray Odayaal iyo waxgarad
kasoo jeeda Beesha Habar Gidir iyo Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Shiikh Xasan Xaamud.
Waxa kulanka markii muddo uu socday Wasiir Xaamud Odayaashii uu la kulmay ka codsaday inay Maleeshiyaadka taabacsan ay ka saaraan magaalada Marka taasina ay Odayaashu kasoo horjeesteen.
Imaam C/llaahi Khaliif Rooble oo kamid ah Nabadoonada Habar Gidir ayaa sheegay in hore sidaan oo kale markii ay wax uga dhaceen Gobolka SH/hoose oo ciidan beeshooda ah qabsadeen Magaalada Marka lagu xaliyey in magaalada ay iskaga baxaan laakiin ay dhibaato mar kale la kulmeen isagoo sheegay in hadda aysan ogolaan doonin in mar kale intay Marka cadeey ka baxaan sidii oo kale ay dib usoo laabato.
Imaamka ayaa sheegay in Wasiirka Gaashaandhiga uga digayaan in arintaan uusan ku gadsoomin maadama uu sheegay in dagaal beeleedkaan uu wax ka og yahay R/wasaare C.weli beesha Biya maalna uu taageersan yahay sida uu yiri.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com