Dhageyso:Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar” Dulqaadki Waa Naga Dhamaaday, Somaliland Iyo Beesha Caalamka Jawaab Deg Deg Ah Ayay Naga Heleyaan”.

0

Garoowe (AGGM):Madaxweyne ku xigeenka Mamulka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in beesha caalamku ay ku guuldarreysatay wax ka qabashada xaaladda deegaannada lagu muransan yahay ee gobollada Sool iyo Sanaag.

Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar oo ka jawaabayey war saxaafadeed ay shalay si wada jir ah u soo saareen wakiillada Mareykanka, Midowga Yurub iyo Britain ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in deegaannada lagu dirirayo ay ka tirsan yihiin Puntland ayna ahayn dhul lagu muransan yahay.

Cameey oo sii wata hadalka ayaa waxa uu sheegay in uu ugu baaqayo beesha caalamka inay bartaan dhulka iyo dadka inta aysan war saxaafadeed soo saarin.

Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Neil Wigan, Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya James P. McAnulty iyoWakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervoned’Urso, ayaa ku baaqay in dhammaanba ciidamada hubaysan ay dib uga baxaan deegaannada lagu muransan yahay ee gobollada Sool iyo Sanaag.

Wakiillada ayaa ku boorrinaya maamullada Somaliland iyo Puntland in ay kaashadaan bulshada deegaanka, ayna nidaam wax dhisayo helaan, si qaab wadajir ah wax looga qabto tabashada dhaqaalaha, horumarka iyo bini’aadanimo ee dadka ku nool gobollada la isku haysto, iyada oo aan la eegeynin sheegashada labada dhinac ee goobahaas.

Gobolladan waxaa ku muransan maamullada Somaliland iyo Puntland, iyadoo dhinacyadu ay ciidamo xoog badan geliyeen dhawaan.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com