Jowhar (AGGM):Wararka naga soo gaaraya Degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in degmadaasi ay gaareen wafdi iskugu jira Siyaasiin iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow iyo Raisul Wasaareyaal Xilal ka soo qabtay Dowladihii KMG ahaa oo kala ah Cali Max’ed Geedi iyo Cumar Cabdi rashiid Cali Sharmaake oo marna la leeyahay waa uu la socdaa marna lama socdo.
Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu isaguna gaari doono magaalada Jowhar.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com